Nuxurka Heshiis Ay Wada Gaadheen Hogaamiyeyaasha Itoobiya, Eritrea Iyo Koonfurta Suudaan

0

Hogaamiyeyaasha wadamada Itoobiya, Eritrea iyo koonfurta Suudaan ayaa soo gaba gabeeyey wada hadal ay ku lahayeen magaalada Juba.

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed, madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo madaxweynaha koonfurta Sudaan  Salva Kiir ayaa falanqeeyey nabada gobolka, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

War laga soo saaray kulamadii u socday sadexda hogaamiye ayaa lagu sheegay in heshiiska la gaadhay ay ku jiraan mashaariicda ay sadexda wadanba wadaagaan, waxaana wasiirada arimaha dibada ee sadexda wadan iyo hay’addaha kale ee ay khusayso la faray inay sii fudaydiyaan hirgelinta heshiisyada la gaadhay.

War ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu
sheegay in mashaariicda lagu heshiiyey ay kordhinayaan isdhexgalka dhaqaale ee wadamada Itoobiya, Eritrea iyo Koonfurta Suudaan.