Sarkaal KaTirsan Guutadda 7AAD Ee Qaranka Somaliland Ee Gobolka Sool Oo Toogasho Lagu Dilay

0

Sarkaal Guutada 7aad Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Gobolka Sool Ka Tirsanaa Oo Caawa Fiidkii Toogasho Lagu Dilay Iyo Xildhibaan Budeeye Oo Ka Hadlay Cida Dilka Geysatay

ALLE haw Naxariisto ee waxa Dil Toogasho ah oo sida la sheegay Askari Ciidanka Milatariga ka tirsani ku dilay Sarkaal Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan (Dhego-Weel) oo derajadiisuna ahayd KABTAN ka tirsanaa guutadda 7aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland gaar ahaan Gobolka Sool, waxaana warka dilka Sarkaalkani la xidhiidha ay xaqiijinayaan in uu baxsaday Askarigii Milatariga Somaliland ka tirsanaa ee Toogashadda ku dilay Sarkaalkani.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo ah mudane golaha guurtidda ee Somaliland ugu jira Gobolka Sool, ayaa isaga oo ku sugan magaaladda Wedh-Widh ee gobolka


Buuhoodle la soo xidhiidhay Wargeyska Saxansaxo, ayaa xaqiijiyey isla markaana tacsiyeeyey Saraal magaciisu yahay Marxuun Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan kana tirsanaa guutadda 7aad ee Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka Somaliland kaasi oo sida xidhibaanku cadeeyey uu sheegay in uu sarkaalkani toogasho ku dilay Askari isla Ciidanka Milatariga ka tirsanaa, waxaana dilku ka dhacay Deegaanka YOGORI oo ilaa 60KM Waqooyi ka xiga magaaladda Laascaanood.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo Wargeyska Saxansaxo khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay isaga oo magaaladda Widh-Widh ee gobolka Sool ku sugan waxa uu yidhi “Inaa Ilaalihi Wa Inaa Illaahi Raajucuun, adeer aniga oo ku sugan magaaladda Widh Widh, waxaan idiin la soo xidhiidhay, waxaan Qaranka Somaliland gaar ahaan Ciidanka Qaranka iyo Shacabka iyo Qoyska uu ka baxayba intaba doonayaa in aan ka tacsiyeynayaa Sarkaal Sare Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan oo Ciidanka Qaranka Somaliland gaar ahaan guutadda 7aad ee Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka ka tirsanaa , kaasi oo Caawa Fiidnimadii markii ay saacaddu ahayd abaaro 8:30 uu toogasho ku dilay askari ciidanka Milatariga Somaliland gaar ahaan guutadda 7aad ee gobolka Sool uu toogtay isla markaana uu baxsaday oo ciidanka qaranku ku raad joogo sidii uu gacanta ugu soo dhigilahaa gacan ku dhiiglaha, waxaan leeyahay dhamaanteen ALLE Samir iyo Iimaan haynaga siiyo isagana Janadda ha ka waraabiyo”

Xigasho Wargayska Saxansaxo