Deg Deg, Maareeye Cusub oo loo magacaabay telefhinka qaranka somaliland

0

Wasiirka warfaafinta somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax(Guribarwaaqo) ayaa xilkii ka qaaday maareeyihii telefishanka qaranka somaliland Muuse Faarax Jaambiir.

Warar rasmi ah oo ka soo baxay wasaarada warfaafinta ayaa sheegay in maareeyaha telefishanka qaranka loo magacaabay weriyaha rug cadaaga ah ee Maxamed Xasan Cali Waji oo mudo badan ka hawl galayey wasaaradaasi.

Magacaabista mareeyaha cusub ee telefishanka qaranka somaliland Maxamed Xasan Cali Waji ayaa noqotay mid aad loo soo dhaweeyey ka dib markii bulshadu uga garawday dood uu qabay oo ahayd in 50 sano oo uu ka hawl galayey warbaahinta xil sare loogu magacaabi waayey qabiilka uu ka soo jeedo darteed, arintaas oo dad badanika damqadeen.

Wariye Maxamed Xasan Cali Waji ayaa ka mid ah wariyeyaasha ugu khibrada badan ee somaliland, kaas oo mudo 50 sano ka badan ka hawl galayey warbaahinta.