Cali Cantar, Xisbiga wadani oo sheegay in Duur u Shaqao tagay Dawlada Kulmiye ka Dhisan,

0

Guddoomiyaha Gudida Anshaxa Ee Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani Cali Axmed(Cantar) ayaa sheegay in xisbiga waddani uu dhawaan qoraal uu ku caydhinayo siyaasi maxamed Nuur Caraale Duur Uu Soo Saari Doono.

Siyaasi Cali Cantar ayaa sheegay in ay ku ogayeen inuu yahay nin shaqo tagay oo quudaraynaya inuu xil ka helo dawlada uu hogaaminayo madaxwayne muuse biixi,waxaana uu sheegay in xisbigu go’aan ka gaadhi doono hadii meelahaas ka sheegto inuu matalo xisbiga waddani.

Maxamed Nuur Caraale Duur Si Shakhsiyan ah ayuu uga qayb galay waana siyaasi madax banaan lakiin xisbiga mamatalo kursi xisbi leeyahay uu duur fadhiisan karaana majirto oo wakhti hore ayaaxisbiga ugu dambaysay waana nin u Hanqal Taagaya inuu boos ka helo dawladda muuse xisbiga waddanina kuma jiro.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo u waramay Somali Cable Tv

Intaas waxa uu ku daray Guddoomiyaha Anshaxa Ee Xisbiga Waddani Isaga oo hadalkiisa siiwata.”Markii hore duur xubin xisbi ayuu ahaa oo gudida fulinta ayuu ku jiri-jiray kiina wuu ka baxay lakiin hadii uu caadaysto oo uu xisbiga ku matalo meelahaasna waxaanu ka soo saari doonaa sharci dhaba wiigana waxaanu ka soo saari doonaa qoraal rasmi ah hadii alle yidhaaho nin shaqo tagayna weeyaan waxaana idiin cadaynaysa amaanta uu amaanayo madaxwaynaha muuse biixi.