Dalka Maraykanka oo hal milyan ku bixinaya xogta wiilka Osama Bin Ladin

0

Dawladda Maraykanka ayaa hal milyan oo doolar siinaysa ciddii war ka keenta Xamza oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Usama Bin Laden.

Waxaa soo muuqanaysa in Xamza Bin Laden uu noqonayo hogaammiye muhiim ah oo ka tirsan kooxaha jihaaddoonka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Sannadihii dambe wuxuu soo duubayay codad iyo muuqaallo uu qolyaha taageersan uga codsanayo in ay weeraraan Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka, si ay ugu aaraan dilkii aabihii.

Ciidammada sida khaaska ah u tababaran ee Maraykanka ayaa Osama Bin Laden ku dilay Pakistan sannadkii 2011.

Wuxuu ansixiyay weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11 Sabteembar ee sannadkii 2001, kuwaas oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo ruux.

Xamze Bin Laden oo la rumaysan yahay in uu 30 jir yahay ayuu Maraykanku liiska argagixisada caalamka ku daray labo sano ka hor.

Wuxuu guursaday gabadha Maxamed Atta, kaas oo afduubtay mid ka mid ah diyaaradihii ganacsiga ahaa ee loo adeegsaday weerarradii 2001, kuwaas oo middood lagu dhuftay Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York.

Waraaqo laga helay gurigii lagu dilay Osama Bin Laden ee ku yaallay Abbottabad ayaa muujiyay in uu Xamza u diyaarinayay sidii uu uga badali lahaa hoggaaminta Al-Qaacida, waxaana loo malaynayaa in uu yahay wiilkii uu ugu jeclaa carruurtiisa, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

“Waxaan aaminsannahay in uu ku sugan yahay xadka u dhaxeeya Afghanistan iyo Pakistan lagana yaabo in uu u tallaabo dhanka Iiraan. Balse waxaa iyana dhici karta in uu meel uun ka mid ah koonfurta dhexe ee Aasiya ku sugan yahay, ayuu yiri Michael Evanoff.

Waxaa la rumaysan yahay in Hamza Bin Laden uu sannado hooyadii kula noolaa Iran, halkaas oo loo malaynayo in arooskiisu uu ka dhacay, halka warar kalana ay sheegayaan in laga yaabo in uu ku noolaa Pakistan, Afghanistan ama Suuriya.