War Cusub, Raysal wasaraha Israil oo Maxkamad Kasoo Muuqandoona, Maxase Lagu haystaa

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa damacsan inuu dacwad ku saabsan musuqmaasuq kusoo oogo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Avichai Mandelblit ayaa sheegay in Mr Netanyahu uu wajihi doono maxkamadeyn la xiriirta laaluush qaadasho, wax isdaba marin iyo in uu ku xad gudbay aaminaaddii lagu qabay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa loo heystaa ilaa saddex dacwadood, hase yeeshee waxaa wali laga dhur sugayaa xilliga la sameyn doono dhageysiga kama dambeysta ah ee dacwaddiisa.

Waxaa Benjamin Netanyahu lagu eedeeyay inuu aqbalay hadyado ay usoo dhiibeen rag ganacsato maal qabeenno ah, isagoo qeyb ka qaatay isku day dadkaas loogu fulinayay waxyaabo ay doonayeen, sida in loo soo jiido indhaha warbaahinta.

Mr Netanyahu, oo dhanka kale wajahaya doorashada dhici doonta bisha Abriil, ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Wuxuu ku cataabay inuu dhibane u yahay siyaasiyiin ka tirsan garabka bidix ee mucaaradka ku ah, kuwaasoo uu sheegay iney damacsan yihiin sidii ay sumcaddiisa hoos ugu dhigi lahaayeen ka hor waqtiga doorashada.

9-ka bisha April ee sannadkan ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto doorashada guud ee Israa’iil.

Dhawaan ayaa la filayaa in Mr Netanyahu uu soo saaro bayaan uu uga jawaabayo warkan ugu dambeeyay eek u saabsan inuu maxkamadeyn wajahayo.