Hindiya oo Pakistan ka dalbatay inay sii dayso duuliyaha xilli dhibaatada Kashmir ay cirka isku sii shareerayso

0

Dowladda Hindiya ayaa waxa ay dalbatay in la sii daayo duuliyihii waday diyaarad ay soo rideen diyaaradaha dagaalka ee waddanka Pakistan, iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisadda Kashmir ee u dhaxeysa labada quwad ee nukliyeerka ku hubaysan.

Muuqaal muujinaya duuliyaha – oo indhaha laga xiran wajigiisana uu dhiig ku yaal – ayaa waxaa baahisay wasaaradda warfaafinta ee waddanka Pakistan.

Hindiya ayaa sawirrada waxa ay ku tilmaantay inay yihiin kuwo “soo bandhigaya niyad xumi lagu kacay qof dhaawac ah”.

Weerraro dhanka cirka ah oo Arbacadii ka dhacay barta kala qeybisa Kashmir-ta Hindiya iyo midda Pakistan ayaa ah kuwii ugu horreeyay tan iyo dagaalkii 1971.

Dhacdadaas oo ay Pakistan sheegtay inay ku soo ridday laba diyaaradood oo kuwa milateriga ah, ayaa waxa ay sare u sii qaadeen xiisadda u dhaxeysa labada dal, kuwaas oo sheeganaya lahaanshiyaha Kashmir oo dhan, balse midkastaa uu qeyb uun ka maamulo.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa maalin un kaddib markii Hindiya ay weerrar ku qaadday waxa ay ku sheegtay xero ay leeyihiin maleeshiyaad oo ku taal gudaha Pakistan, weerrarkaas oo ay uga aargudanaysay weerrar ismiidaamin ahaa oo dilay ugu 40 askari oo ka tirsan ciidammadeeda jooga Kashmir.

Urur saldhiggiisu uu yahay Pakistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerrarka, kaas oo ah midkii ugu dhimashada badnaa ee halkaas ka dhaca mudada 30-ka sanno ah ee ay wadeen dagaalka ay kaga soo horjeedaan maamulka Hindiya ee Kashmir.

Arbacadii, Mareykanka ayaa waxa uu Hindiya iyo Pakistan ugu baaqay inay ka baaqsadaan tallaabo kale oo milateri, waxa uuna sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo damin lahaa xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

Maxaa ku dhacay duuliyaha?

Duuliyahan ka tirsan ciidammada cirka ee waddanka Hindiya ee magaciisa lagu sheegay Abhinandan, ayey saraakiisha Hindiya sheegeen in “la la’yahay”.

Sawirro laga baahiyay qabashadiisa, kuwaas oo u muuqanayay in dadka rayidka ah ee ku nool Kashmir-ta ay Pakistan maamusho ay jir dil u gaysteen ninkaasi, ayaa waxaa ciidammada Pakistan lagu amaanay ficilladii ay ninkaasi ku ilaaliyeen.

Wasaaradda warfaafinta ee Pakistan ayaa waxa ay daabacday – walow markii dambe ay tirtirtay – muuqaal ay ku muujinayso duuliyaha oo indhaha laga xiray kaddib markii la qabtay, kaas oo la maqli karo isagoo biyo codsanaya.

Muuqaal markii dambe la daabacay, ayaa la arki karaa Abhinandan oo shaah cabaya isagoon indhaha u xirnayn una muuqanayay in jirkiisa la soo nadiifiyay.

Waxa uu ka jawaabay dhowr su’aalood oo ay ka mid ahaayeen magaciisa, jagada uu milateriga ka hayo iyo inuu ka soo jeedo “koonfurta shishe”, ka hor inta uusan diidin inuu xog dheeraad ah bixiyo markii la waydiiyay howlgalkii uu u socday: “Inaan taasi kuu sheego ma ahan.” ayuuna yiri.

Afhayeenka milateriga Pakistan Janaraal Asif Ghafoor ayaa sheegay in duuliyaha “loola dhaqmay si waafaqsan shuruucda milateriga”.

Maxay ku saabsanayeen duqeymaha cirka?

Janaraal Ghafoor ayaa waxa uu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ay “duqeymo” dhanka cirka ah ay Arbacadii ka fuliyeen Kashmir-ta ay Hindiya maamusho, kuwaas oo aanan ilaa iyo hadda kala caddeyn waxa ay ahaayeen.

Kaddib laba diyaaradood oo kuwa dagaalka Hindiya ah ayaa weerrarkaasi ka jawaabceliyay, iyagoo ka soo tallaabay xadka Kashmir kala qeybiya. “Diyaaradahayagu diyaar ayey ahaayeen labadii diyaaradoodna waa ay soo rideen,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in hal duuliye oo Hindi ah uu gacanta ku dhigay milateriga Pakistan. Saraakiisha ayaa markii hore sheegay in duuliyayaasha la qabtay ay laba yihiin oo midkood isbitaalka loo dhigay.

Wax sharaxaad ah kama uusan bixin sababta ay tiradu isu badashay.

Wasaaradda warfaafinta ee Pakistan ayaa sidoo kale waxa ay barteeda Twitterka soo dhigtay wax ay ku sheegtay muuqaal laga duubay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Hindiya ee la soo riday.