Cohen oo ka warbixiyey madaxweyne Trump Qareenkii hore ee madaxweyne Donald Trump, Michael Cohen ayaa maanta guddiga ka tirsan Aqalka Wakiilada u sheegay in madaxweynaha uu yahay “nin neceb dadka madow, beenlow iyo qaa’in ah”

0

Qareenkii hore ee madaxweyne Donald Trump, Michael Cohen ayaa maanta guddiga ka tirsan Aqalka Wakiilada u sheegay in madaxweynaha uu yahay “nin neceb dadka madow, beenlow iyo qaa’in ah”

Cohen ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu ogaa in la-taliyaha ololihiia doorasho Roger Stone uu xiriir la lahaa aas-aasaha ururka WikiLeaks oo baahiyey emailo laga xaday xisbiga dimoqraadiga Mareykanka.

Cohen waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha uu ogaa kuna amray inuu uga been sheego Congress-ka qorshe uu doonayey inuu dabaq dheer uga dhisto magaalada Moscow, inkasta oo uu cod-bixiyayaasha u sheegay inuusan xiriir ganacsi la lahayn Ruushka.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in Trump marna uusan moodeyn inuu ku guuleysan doono madaxweynenimada Mareykanka.

Cohen ayaa maanta hor-tagay Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiilada Mareykanka, laba bilood ka hor inta uusan xabsi saddex sano ah u gelin dambiyo maaliyeed, xagudubyo xagga lacagaha ololaha doorashada ah oo la xiriira doorashadii 2016 iyo inuu been u sheegay Congress-ka.