Deg Deg war , Dalka Pakistan oo Iminka Siidaynaysa Duuliyihii aay qabatay, Maxaase Kalifay

0

Duuliyihii Hindiga ahaa ee la qabtay ayaa Jimcaha la sii daynayaa, iyadoo dareen nabadeed la muujinayo sida uu shaaciyay ra’iisulwasaare Imran Khan, iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda Kashmiir.

Khan ayaa hadalkaas ka sheegay baarlamaanka, wuxuuna intaas ku daray in Pakistan ay diiradda saarayso sidii xaaladda loo dajin lahaa.

Pakistan ayaa Arbacadii soo ridday diyaaraddii dagaalka ee uu waday duuliyahan, iyadoo ay xiisaddu ka billaabatay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.

Qabashadiisa ayaa culays cilad ku noqotay Hindiya. Labada dalba waxaa saaran caddaadis looga dalbanayo in ay xaaladda dajiyaan.

Xigasho BBC Somali