Somaliland: ‘Boqolaal kun qof, waxay wajahayaan gaajo abaaraha dartood’

0

Abaaraha ka taagan qeybo kamid ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxay horseedeen in dad ka badan 700,000 qof ay wajahayaan gaajo, sida ay sheegtay ha’yadda NRC.

Ha’yadda waxay sheegtay in dadka ay u baahan yihiin gargaar.

Warbixinta ha’yadda NRC ayaa lagu sheegay in roobabkii ka da’i jiray gobolka ay daaheen.

Xaaladda Abaaraha ku dhuftay Somaliland

Agaasimaha ha’yadda Norwegian Refugee Council (NRC) ee u qaabilsan gobolka Victor Moses,ayaa sheegay in dadka la daalaca dhacaya gaajada ka dhalatay abaaraha ay u badan yihiin carruur iyo haween.