Dawlada Turkiga oo Wali Dabogal iyo badhis ku wada cidkasta oo la dareemo in aay lu ku lahayeen Inqilaabkii fashilmay ee wadankaa ka dhacay,

0

Booliska Turkiga ayaa u dhacay aqallada boqollaal ka tirsan ciidamada militeriga Jimcaha maanta, kuwaas oo lala xiriirinayo af-gembigii dhicisoobey ee July 2016.

Xafiiska dacwad oogaha, ayaa xubnahaasi ku eedeyey inay xiriir la leeyihiin wadaadk Turkishka ah ee Mareykanka ku dhaqan Fethullah Gulen.

Ankara ayaa eedda isku deyga af-gembi dusha ka saarta taageerayaasha Gulen, kaas oo dhaq dhaqaaqiisa Hizmet uu awood ku leeyahay bulshada Turkish-ka ah, oo ay ku jiraan warbaahinta, booliska iyo garsoorka.

Toddobaadkan, Turkigu waxa ay xabsiga dhigeen saxafiyiin iyo aqoon yahanno, kuwaas oo lagu eedeyey inay baahiyeen hadallo ka dhan ah dowladda jirta.