USA: 16 Gobol oo Maxkamad la Tiigsanaya Maamulka Trump

0

16 gobol oo ka mid ah maamullada gobollada Mareykanka ayaa magdhow weydiisanaya maamulka Madaxweyne Donald Trump, ka dib ku dhawaaqiddiisii xaaladda deg degga si uu dhaqaale ugu helo derbi uu doonaayo in laga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico.

Xeer-ilaaliyaasha gobolladaasi oo uu hogaaminay xeer ilaaliyaha gobolka California, ayaa shaley dacwad ka xareeyey maxkamad heer federal ah oo ku taalo gobolka California.

Gobolladan ayaa madaxweynaha Mareykanka iyo maamulkiisa ku eedeynaya in xaaladda deg deg ah ee uu madaxweynuhu ku dhawaaqey ay sharci daro tahay, dhibaatana soo gaarsiineyso gobollada iyo dadka ku nool.

Madaxda gobolladan ayaa ku eedeynaaya madaxweynaha xaaladda deg degga ah ee ku dhawaaqay ay keeneyso in uu dhaqaale ka qaato mashaariicda la dagaalkan maandooriyeyaasha, dhismayaasha xoogga dalka iyo hay’ado kale oo fulinta amniga ka tirsan.