Madaxweyne Muuse Biixi Oo Itoobiya Ku Tagaya Martiqaad Uu Ka Helay Raysal Wasaare Abiy Ahmed

0

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Itoobiya Ku Tagaya Martiqaad Uu Ka Helay Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa socdaal ku tagaya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya.

Warar rasmi ah oo ay  heshay shabakada caalamiga ah ee

Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad rasmi ah ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maalinta bari ah u duulaya magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo la filayo inuu kulamo kula qaadan doono raysal wasaaraha dalkaasi.

Safarka madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagayo wadanka Itoobiya ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu Addis Ababa ku gaadho tan iyo intii uu

hogaanka qabtay raysal wasaaraha dalkaasi Dr. Abiy Ahmed.

Raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay loo arkayey mid hoos u dhigay xidhiidhkii ka dhaxeeyey somaliland iyo Itoobiya, balse martiqaadkiisan ayaa meesha ka saaraya wararkaasi, waxaana la dhawrayaa qodobada ay ka wada hadli doonaan madaxweyne Biixi.