Warbixin Iftiimisay In Somaliland Xoriyada Hadalka Kaga Horayso Wadamada Geeska Afrika Iyo Saamaynta Ka Dhalatay Dib U Dhacyada Doorashada

0

Somaliland ayaa dhinaca xoriyada hadalka iyo xuquuqda siyaasiyiinta kaga horaysay wadamada ka yaala geeska Afrika.

War ka soo baxay xafiiska wasaarada arimaha dibada ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Freedom House ayaa lagu sheegay in somaliland ay xaga xoriyada hadalka kaga horayso wadamada geeska Afrika ee ay qaarkood dariska yihiin, kuwaas oo ay ku jiraan Itoobiya, Soomaaliya, Djibouti iyo Eritrea.

Warbixinta ayaa sheegtay in xoriyada hadalka ee soomaliland ay tahay mid lagu qiyaasiyo 43% halka Itoobiya ay ka keentay 19%,  Djibouti ayaa iyaduna keentay 26%, Soomaaliya ayaa gaadhay 7% halka Eritrea ay gaadhay 2%.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagaga hadlay doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka taas oo lagu tilmaamay mid xor iyo xalaal ahayd, waxaanay warbixintu tibaaxday in hay’addaha dawlada ee doorashada ku yimaada aanay wakhtigooda oo kaliya kuraasta fadhiyin balse ay qaarkood mudo dhaafaan.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in saxafiyiinta somaliland ay wajahayaan cadaadis kaga imanaya hay’addaha dawlada iyo booliska  kuwaas oo awood u adeegsada marka ay xidhayaan, iyada oo warbixintu si cad u tilmaantay tacadiyada ka dhanka ah  haweenka ee somaliland ka dhacaa ay yihiin qaar aad u halis badan.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in xuquuqda siyaasada ee somaliland ay hoos u dhacday iyada ka timid lambarka 5 isla markaana ku daadagtay 4 taas oo sababteeda lagu tilmaamay  dib u dhacii ku yimid doorashadii madaxtooyada.

Somaliland Has More Freedom Than Ethiopia, Djibouti And Somalia, Says US Report