Siyaasi Cabdil Qaadir dhaqane, Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘la mood, noqonse weyday’,, Farmajo Wixii uu balan qaaday muu oofin ,wuxuu ku dhaqaqay aargoosi

0

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane, oo horay u soo noqday wasiir iyo xildhibaan, haddana ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo Amniga ee Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabo badan oo dowladda Farmaajo laga filayay aysan sidii loo filayay noqon

Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘la mood, noqonse weyday’, madaxweyne Farmaajo markii la dooranayay wuxuu heysatay shacbiyada faro badan, qof walbana wuxuu lahaa ‘Farmaajo ii geeya’ laakiin wixii oo idil hadda wuu lumiyay, sidii la moodayay iyo sida uu noqday waa kaaf iyo kala dheeri, dhammaan ballan qaadyadiisiina waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay”, ayuu yiri Dhaqane.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinkii ay dowladda Farmaajo faraha la gashay 2-dii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna Cabdiqaadir Dhaqane yiri “Waan ognahay sida uu noqday xiriirkii arrimaha dibadda Soomaaliya iyo sida ay hoos ugu dhacday siyaasaddii arrimaha dibadda gaar ahaan waddamada khaliijka, waxaa waddanka laga eryay Haysom oo ka socday xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay, suuqii siyaasadda arrimaha dibaddana wuu ka xirmay Soomaaliya. Dhanka gudahana, waxaan la soconnaa inuu ku fashilmay wada shaqeynta dowlad goboleedyada iyo wada hadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland”.

Cabdiqaadir Dhaqane ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu wax hagaajin karo muddada 2-da sano ah ee ka harsan maamulkiisa.

“Aniga ilama aha inuu sidaas sameynayo, laakiin 2-da sano ee u hartay wax wuu ku qaban karaa haddii uu wax qabad usoo jeesto isla markaana uu dhinac iska dhigo siyaasaddii gurracneyd ee ku dhisneyd aargoosiga oo uu dib u heshiisiin sameeyo”.