Madaxawynaha Dawlada xamar oo si cadhao leh ugu hanjabay siyaasiyinta kasoo horjeeda siyaasadiisa shirka shidaalka lagag hadlaayo

0

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay magaalada London ee lagaga hadlayey shiidaalka soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey shir lagu soo xidhayey shirsanadeedka garsoorka soomaaliya ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in la xaraashayo shiidaalka dalka soomaaliya, waxaanu xusay in shirka London uu yahay carwo lagu soo bandhigayo shiidaalka ku jira soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku darray in illaa 50 xirmo blocks ah oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM oo ay soo sahmisay dowladdii hore lagu wareejiyay shirkad ku taala Ingiriiska, iyadoo maantana la soo bandhigi doono xogtaas, si ay uga

soo baaraan dagaan shirkadaha ka qeybgalaya shirka magaalada London.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka in ay ka soo horjeedaan hormarka la sameynayo, isaga oo intaa ku darray in loo baahan yahay in dalka laga soo saaro kheyraadka ku jira.

Shirka magaalada London ee looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ayaa dhaliyay hadal heyn aad u badan, waxaana ay siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradku ku eedeeyeen dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ay xaraasheyso shidaalka Soomaaliya.