Khabiir Qaramada Midoobay ka tirsan oo sheegtay in Sacuudi Carabiya ‘ay xannibtay’ baaritaanka dilkii Khaashuqji

0

Sacuudi Carabiya ayaa “si xad dhaaf ah waxa ay u xannibtay una wiiqday” awooddii Turkiga uu ku baari lahaa dilka Jamaal Khaashuqji, khabiir Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sidaasi sheegtay.

Warbixin hordhac ah oo ku saabsan baaritaanka ayaa waxa ay sheegaysaa in Turkiga aanan loo ogolaan inuu galo qunsuliyadda muddo 13 cisho ah halkaas oo ah goobta lagu dilay weriyaha.

Khaashuqji ayaa markii ugu dambaysay ee la arko isagoo nool waxa uu galayay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2 bishii Oktoobar ee kal hore.

59-jirkan ayaa waxa uu caan ku ahaa dhaleecaynta Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Sarakiisha Mareykanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay sheegeen in howlgalka noocaas oo kale ah uu u baahnaa inuu ansixiyo Amiirka.

Hasayeeshee saraakiisha Sucuudiga ayaa waxa ay ku adkaysanayaan in ninkaasi ay dileen koox aan “damiir lahayn” oo ka tirsan sirdoonka Sucuudiga oo aanan ku socon amarka Amiir Maxamed.

Xukuumadda dalkaasi ayaa waxa ay maxkamad soo taagtay 11 qof waxaana ay doonaysaa in shan ka mid ah la dilo.

Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay diiday in ay Turkiga u gacangaliso muwaadiniinteeda kaddib markii dalku uu dhowr sarkaal oo Sucuudi ah u jaray warqadihii lagu soo xiri lahaa.

Haweenayda ay Qaramada Midoobay u saartay inay warbixin ka diyaariso umuurtaasi, Agnes Callamard, taas oo hogaaminaysa baaritaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee ku aaddan dilkaasi, ayaa waxa ay Turkiga booqatay intii u dhaxaysay 28 Janaayo iyo 3 Febraayo.

Warbixinta hordhaca ah ee baaritaanka ayey ku sheegtay in Khaashuqji “uu dhibanne u ahaa dil waxshi ah oo horay looga sii baaraandegay, loona sii qorsheeyay oo ay ka dambeeyeen saraakiisha qaranka Sucuudi Carabiya”.

Awooddii Turkiga uu ku baari lahaaa dilkan ayaa waxaa “si xad dhaaf ah waxaa u xannibay oo u wiiqay wadashaqeyn la’aanta Sucuudiga, kaas oo muddo 13 maalmood ah ka maagayay in baarayaasha Turkidu ay galaangal u yeeshaan goobta uu dambiga ka dhacay.”

Dilka ayaa waxa uu dhacay 2 bishii Oktoobar, halka mas’uuliyiintuna ay ogolaadeen in qunsuliyadda la galo 15 Oktoobar, iyagoo qeybta deegaankana diidanaa in la galo ilaa 17 Oktoobar – taas oo si gaar ah u saameysay baaritaannada qotada dheer ee la sameyn lahaa, ayey qortay.

Ms Callamard ayaa sidoo kale waxa ay weerrartay maxkamadeynta uu Sucuudigu kiiskaasi u maxkamadeynayo 11-ka qof, iyadoo sheegtay waxa ay arrintaasi sare u qaadaysaa “walaaca weyn” ee laga qabo daah-furnaanta iyo cadaaladda arrintaasi.

“Waxaan codsaday inaan booqasho rasmi ah ku tego dalka Sucuudi Carabiya si mas’uuliyiinta dalkaasi ay si toos ah iigu siiyaan caddeynta loo baahan yahay,” ayey qortay.

n dhab ahaantii aanan weli la helin maydka Khaashuqji ayaa waxa ay “dhibaato wayn” ku keenaysaa dadkiisii jeclaa, warbixinta ayaa intaasi ku dartay.

Warbixinta kama dambeysta ah ayaa waxaa bisha Juun la horgeyn doonaa golaha Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Kuxigeenka Dacwad oogaha Sucuudiga Shalaan bin Rajih Shalaan ayaa waxa uu sheegay in baarayaashu ay soo ogaadeen in sarkaal ka tirsan sirdoonka uu amray dilka Jamaal Khaashuqji, isagoo gudaha qunsuliyadda lagula duray cirbad sun ah.

Askariga ayaa waxaa loo xilsaaray inuu weriyaha mucaaradka ah ka dhaadhaacsiiyo sidii uu dib ugu soo laaban lahaa Boqortooyada Khaliijka, ayuu intaasi ku daray.

Waxaa gudaha dhismaha lagu jarjaray maydkii Khaashuqji iyadoo xubnihii jirkiisana markii dambe lagu wareejiyay qof maxalli ah oo ku sugnaa bannaanka goobta uu dilka ka dhacay, waa sida uu sheegayo Mr Shalaan.

Shirkii Dhaqaalaha Caalamka ee dhawaantan lagu qabtay magaalada Davos ayuu wasiirka maaliyadda ee Sucuudiga, Maxamed Al-Jadaan, waxa uu wufuuddii u sheegay in dalkiisa uu “aad uga xunyahay wixii ku dhacay Jamaal Khaashuqji”.

Turkiga ayaa dhanka kale waxa uu aqoonsaday haybta 15 nin oo uu rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin sirdoonka Sucuudiga oo ka soo degay gagida diyaaradaha ee Istanbul kaddibna ka dhoofay xilligii uu dilka dhacayay.

Lama oga mid ka mid ah dadkaasi uu ku jiro dadka lagu maxkamadaynayo magaalada Riyaad.

Mareykanka ayaa waxa uu cunaqabateyn ku soo rogay 17 sarkaal oo Sucuudi ah, oo uu ka mid ah yahay Sacuud al-Qaxdhaani, oo horay lataliye ugu ahana jiray amiirka dhaxalsugaha ah kaas oo uu Mareykanku ku eedaynayo inuu “qeyb ka ahaa qorshaha iyo fulinta howgalka” lagu dilay Jamaal Khaashuqji.

Ma ay cadda in mid ka mid ah 17 qof la maxkamadaynayo iyo in kale.