Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadley Sababta Ay Dawladu Ula Wareegtay Hotel-kii Ku Yaalay Khayr-yada Magaalada Hargeysa

0

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu ka Hadley sababta ay dhawaan dawladu ula wareegtay  Dhismaha ku yaaley Khayr-yada magaalada Hargeysa oo nin  ganacsade ahi uu Hotel ka sameystay .

Madaxweyne Biixi ayaa maanta cadeeyey in goobtaas laga dhigi doono xarun lagu keydiyo taariikhda Somaliland.

Mudanne Biixi ayaa saaka adalkan ka sheegay xaflad loo qabtay furitaanka dugsiga tababarka macallimiinta oo Hargeysa laga hirgaliyay.