Hal Milyan in ka badan ayaa Macaluuli iyo Gaajo Soo Wajahday Xukuumaduna Madaxtooyo Cusub Ayay Dhisanaysaa…Guddoomiye Ciro

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro)ayaa nasiib daro ku tilmaamay in shacabka somaliland oo la sheegayo in hal milyan in ka badani ay soo wajahday gaajo iyo macaluuli in xukuumada iyo madaxwayne biixiba ku mashquulsan yihiin dhisida Madaxtooyo Cusub.

Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in lacagta ku baxaysay Madaxtooyadda cusub aanay cidna garanayn inta ay tahay iyo xaga laga keenay,waxaana uu sheegay inaanay somaliland wakhtigan mudnaan u ahayn in madaxtooyo loo dhiso.

Iyadda oo la leeyahay shacabkii milyan iyo badh ayaa gaajo u dhimanaya mudnaan uma aha somaliland in guri cusub oo qasri ah oo madaxtooyo dhisato oo ay ku bixiso

lacag faro badan oon la garanayn tiradeeda.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay saabtv

Xukuumadda ayaa baryihiin u dambeeyay ku mashquul sanayd dhisida madaxtooyo cusub oo aan shacabka loo soo bandhigin qiimaha ku baxaya iyo waliba xaga laga keenay lacagta lagu dhisayo taasi oon iyaduna noqonaysa qorshe kale oo faro ku godan tahay.

Dadka Siyaasadda u dhuun daloola ayaa sheegay in madaxwayne muuse biixi looga baahnaa lacagta uu ku dhisayo madaxtooyadda inuu ku bixiyo shacabka somaliland ee la shaaciyay in ka badan hal milyan in ay cun yaraan soo wajahday oo ay u baaan yihiin gargaar deg deg ah.