Sucuudiga oo shaaciyay inuu joojiyay ololihii ka dhanka ahaa musuqa

0

Xariga haldoorka ayaa walaac xooggan ku keenay nidaamka dowladda Sucuudiga, kaddib markii qaar ka mid ah hantiilayaasha iyo rag awood ku lahaa dowladda lagu xirxiray huteel ka mid ah kuwa raaxada ee waddankaasi.

Dhowr qof oo ka mid ahaa raggii la xirxiray ayaa haatan lasii daayay.

Haatan, dowladda Sucuudiga ayaa sheegay in kiiskaasi uu soo dhamaaday.

In ka badan boqol bilyan oo doolar ayaa la sheegayaa in lagu wareejiyay dowladda Sucuudiga, taasi oo u dhiganta hatantidii ay sheegtay inay dowladdu ku raadjoogto.

87 qof ayaa la sheegay inay qirteen lacagaha lalunsaday, halka 8 kalena lasoo sheegayo inay diideen wax dambi ah, kuwaasi ayaana haatana wajahaya dacwad.

Dhaxalsugaha Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa lala xiriirinayaa khaarijintii loo geystay weriye Jamaal Khaashuqji.

Inkasta oo dhaxlsuguhu ku raja weyn yahay in tallaabadii ka dhanka ahayd musuqmaasuqa ay ku dhiirigelin doonto maalagashadayaasha caalamiga ah in Sucuudigu yahay waddan la maalgashan karo.

 

Xiritaanka loo gaystay qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada, wasiirrada iyo ganacsatada ayaa saraakiisha Sucuudigu waxay horey u sheegeen inay tahay hawlgal billaw ah oo meesha looga saarayo saarayo musuqmaasuqa.

Xiliigaasi, ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro.

Guddi musuqmaasuqa la dagaalamayay oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah.

Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa ka mid ahaa dadkii lasoo xiray, balse dhawaan lasii daayay.