Dembiyada Loo haysto Madaxwaynihii hore ee Degaanka Soomaalida ethiopia oo La Shaaciyay

0

Dawlada Itoobiya ayaa shaacisay dembiyada lagu eedaynayo madaxweynihii hore ee deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo dad gaadhaya 47 qof oo kale oo la eedaysan.

Sida ay ku warantay warbaahinta dawlada Itoobiya ee Fana,eedaysanayaasha ayaa lagu soo oogay inay huriyeen rabshado ka dhacay deegaanka soomaalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga bilihii June ilaa July ee sanadkii 2018, kuwaas oo la sheegay inay maalgalin, hubayn iyo qalabayn la garab istaageen koox dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Heego kuwaas oo qayb ka gaystay rabshadaha dhacay.

Warka ayaa lagu sheegay in rabshadihii ka dhacay Jigjiga lagu laayey dad rayid ah, halka kuwo kalana

agu barakiciyey  isla markaana burbur loo gaystay hanti dawladeed iyo mid gaar loo leeyahay iyo kufsi loo gaystay haween.

Dembi baadhayaal ka socda xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya oo bishii August sameeyey baadhis ayaa sheegay in 38 qof lagu dilay rabshadihii dhacay halka 266 qof oo kalana dhaawacyo loo gaystay iyaga oo warbixintooda ku xusay in dembiyadaasi ay dhaceen 4-5 bishii August ee sanadkii hore.

Sidoo kale warbixintooda ayey ku sheegeen in la gubay kiniisado ay leeyihiin dadka kiristaanka ah isla markaana kufsiyo loo gaystay haween, waxaanay cadeeyeen inay baadhistooda ku heleen hadhaaga 50 qof oo ay ka soo saareen xabaal wadareedyo lagu guray.

Dembi baadhayaasha ka socday xafiiska xeer ilaalinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay inay heleen dembiyadii dhacay ee bilawga u ahaa baadhitaankooda, kuwaas oo tilmaamay inay markii hore heleen hadhaaga 200 qof oo lagu aasay xabaal wadareed.