MASHRUUCA WAXBASHADA, AYAA TAAGEERAY DUGSIGA HUDISA EE AY ABAARUHU SAMEEYEEN WAXANA FULINAYSO YOVENCO OO KASHANAYSA UNICEF

0

 

Mashruuca waxbarashada ayaa taageeray dugsiyada abaaruhu sameeyeen ee loo yaqaano EiE (Emergency in Education) oo ay maalgalinayso hay’adda UNICEF oo kaashanaysa ururka YOVENCO waxaana lagu tageray qadar dhan $ 4506 (afar kun, shan boqol iyo lix dolor) oo lagu tageeray dugsigan si loogu kaabo baahiyaha dugsi ee kaga soo noqday abaarihii oo saamayn aad u balaadhan ku yeelatay ardaydii dugsiga dhiganaysa iyo dugsiga laftiisaba.

Dugsigan oo ka tirsan dugsiyada ka faaidaysanaya mashruuca waxbashada ee degmada SHEIKH waxaa loo sameeyey dayactir iyo  galinta albaabo bir ah (METAL DOORS) Afar fasal iyo xafiiska maamulaha. Sidoo kale waxaa dirayska ardayda loo soo iibiyey arday dhan siteedan (80) arday oo ahaa bilaa uniform si kor loogu qaado niyada ardayda loona jeclaysiiyo dugsi iyo waxbarashada isla markaana bulshada ay u aqoonsato  inay yihiin arday dhigta dugsiga.

Waxaa kale oo mashruucu ka caawiyey dugsiga qaybta nadaafada iyo fayo dhawr ka ardayda iyadoo loo shubay biyo si ay nadaafada dugsi, iyo cunto karinta iyo birifta ama nususaacaha caruurta oo  loogu adeegsado, isla markaana arday iyo macalimintaba ay ugu isticmaalaa faraxalka iyo Musqulaha ay u isticmaalaan  wiilal iyo hablaba  isla markaana kor loogu qaado cafimaadka ardayda.

Sidoo kale waxa mashruucu ka tageeray dugsiga qalabka waxbarashada ee dugsiga waxaa loo soo gaday ama iibiyey qalimaanta loo yaqaan koobiga  ee sabuuradha cad cad iyadoo loogu qori doono casharada, waxa intaas dheer,  in sidoo kale loo soo iibiyey dugsiga qalabka nadaafada sida mafiiqda istaaga iyo jaqafka qashin ka lagu qaado taas oo ka caawinaysa inay wax ku bartaan goob nadiif ah kuna haboon waxbarashada sidoo kale qurxinaysa deegaanka dugsiga.

Ugu dambayn waxa mashruucu siinayaa guno saddex bilood barayaasha dugsi si loo kor loogu qaado niyada macalinka isla markaana uu u bixiyo xiiisado dheeri ah oo lagu kabo arday ay saamaysayn duruufaha waxbarsho si ay uga soo kabtaan si dhakhso ah isla markaana ula qabsadaan casharada fasalada ay ka tirsan yihiin ama ay haleeli waayeen subaxdii isla markaana ay dhigtaan galanka dambe.

Mashruucan waxa maalgalinaysa hay’adda UNICEF, waxaan mashruucan ka fulinaysa saddexda Gobol ee TOGDHER, SAAXIL IYO MAROODI-JEEEX ururka YOVENCO isla markaana waxaana ka faaidaysanaya 36 dugsi oo ka kala tirsan saddexdaa gobol, mashruucan oo magaciisa la dhaho taageerida dugsiyada ay abaaruhu sameeyeen (Education in Emergency).