Deg Deg, wariye Mukhtaar cabdiraxmaan oo Booliisku Xidhay

0

Ciidanka Booliska Berbera ayaa saaka subaxnimadii hore Xabsiga Utaxaabay wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan Xariir oo kamida Suxufiyiinta ka hawl gala Gobolka Saaxil gaar ahaan Warbaahinta Dawlada Ee Tv.ga Qaranka Iyo Idaacada Radio  Hargeysa  sidoo kale wariyahani waxa uu Wakiil Gobolka Saaxil uytahay Ururka Saxaafada Somaliland ee SOLJA.

Xadhiga wariyahan ayaanu wax ka weydiinay Cabdisalaan Xariir sheekh Cismaan oo ah Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Gobolka Saaxil islamarkaana ah wariye ay kawada tirsan yihiin Warbaahinta Qaranka Somaliland Wariyahan Xabisan waxaanu noo sheegay in xadhiga wariyaha uu amarkiisa bixiyay Taliyaha C.I.D Booliska Berbera Ibraahim Dhegasayn uu sheegay inuu ku haysto qoraal uu wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan ka sameeyay xadhig uu isla taliyahani shan maalmood ka hore ugaystay Cabdisalaan xariir Sheekh Cismaan oo saacdo kooban saldhiga dhexe ee berbera ku xidhnaa lana siidaayay.Cabdisalaan Xariir Sheekh Cismaan ayaa sidaa warbaahinta usheegay.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka C.I.D Booliska Berbera Ibraahim Dhegasayn oo aanu Telifoonkiisa Gacanta Ka wacnay si aan  wax uga weydiino eeda xadhiga wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan Xariir iyo waliba danbiga loo haysto ee lagu xidhay ayaa ka gaabsaday inuu gabi ahaanba jawaab ka bixiyo amuurtaas.