Ganacsadaha Taajirka ah Dhalsho ahaana kasoo jeeda sacuudiga laakiin ku dhashay ethiopia oo lasii daayay

0

Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Ethiopia, kaasi oo bishii November ee 2017 loo xiray olole ka dhan ah musuq-maasuqa.

Warkan ayaa waxaa xaqiijiyey xafiiska ra’iisul wasaraaha Ethiopia.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa taleefishinka dowladda Ethiopia iyo laba ilo-wareed oo Sacuudiyaan, ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Amoudi lasii daayyey.

Ololihii la-dagaalanka musuq maasuqa ee Sacuudiga ay sameeyeen 2017, ayaa waxaa lagu xiray boqolaal bilyaneero iyo ganacsato, taasi oo ahayd tallaabo uu xukunka ku xajisanayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

Dadaallo lagu sii daynayo al-Amoudi ayaa billowday bishii May ee 2018, markii ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed uu Bin Salman kula kulmay magaalada Riyadh, ayaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo maxaabiista u xiran boqortooyada.