Cumar Al Bashiir oo ka cabsi qabo in sidii madaxdii carbeed xilka looga xayuubiyo

0

Madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa sheegay inay jiraan dadaallo la doonayo in dalkiisa rabshado iyo qalalaase looga abuuro isla markaasna ay jiraan isku dayayo ah in lagu tallaabsado dhaqdhaqaaqyo lamid ah kuwi gu’gii carabta.

Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Al Qaahira halkaas oo uu kula kulmay madaxweyanaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi.

Waa booqashadii labaad uu Al Bashiir ku tego dalal shisheeye tan iyo markii dibadbaxyada ay dalkiisa ka bilaawdeen bishii Disembar ee sannadkii lasoo dhaafay.

Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday qiimaha maciishadda oo sare u kacday balse xaaladda ayaa markii dambe isku baddashay kacdoon looga soo horjeedo siyaasadda Al Bashiir.

Dadka dibadbaxyada dhigayay waxay ku dhawaaqayeen hadallo ah ‘iscasil madaxweyne’.

Dibadbaxyadii ballaarnaa ee loogu magac daray gu’gii carabta ayaa bilaawday sannadkii 2010-kii,waxaa uu ku baahay dalalka Bariga Dhexe iyo waqooyiga Afrika kaas oo markii dambe horseeday dagaallo sokeeye.

Muddo 18 maalmood oo ay bannaanbaxyo ka jireen dalka Masar waxay ku khasabtay madaxweynihii Masar Xusni Mubarak inuu xilka iska casilo bishii Febraayo ee sannadkii 2011-kii.

Khudbad uu jeediyay madaxweyne Al Bashiir ayaa waxaa uu qiray in dalkiisa ay ka jiraan dhibaatooyin balse aysan aheyn qalalaasaha ay tebinayaan warbaahinta.

Weriyeyaal u shaqeynayay warbaahin shisheeye ayaa laga hor istaagay inay ka warramaan dibadbaxyada ka taagan Suudaan.

Khamistii, saddex qof ayaa ku dhintay dhacdo u muuqatay dibadbaxyadii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo madaxweyne Al Bashiir.

Ururada shaqaalaha Suudaan oo garwadeen ka ah dibadbaxyada aya ku baaqay bannaanbaxyo hor leh.

Goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in booliska ay shalay ka hor istaageen dibadbaxyaasha inay galaan fagaarayaasha Khartuum iyo Omdurman halkaas oo ay tacaddiyo ugu geysteen.