BBC Faransiiska oo ka carooday hadalada Talyaaniga ee ah inuu boobayo hantida Afrika

0

Faransiiska ayaa u yeeray safiirka Talyaaniga u fadhiya caasimadooda Paris kaddib markii ku xigeenka ra’iisal wasaaraha Talyaaniga uu ku eedeeyay Faransiiska inuu Afrika gumeysto uuna sabab u yahay qulqulka muhaajiriinta.

Maalintii Axada, ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga Luigi di Maio, ayaa ugu baaqay Midowga Yurub inay cunaqabteyno kusoo rogaan Faransiiska sababo la xiriira siyaasadooda Afrika.

Waxa uu sheegay in Faransiiska “uusan abid joojin gumeysiga tobanaan dowladood oo Afrikan ah “.

Tan iyo markii labada xisbie ee Five Star iyo League ay la wareegeen talada Talyaaniga bishii June 2018 xiriirka labada waddan ayaa sii xumaanayay.

Xiisadda ka dhex aloosan labada dal ayaa salka ku heysa qulqulka muhaajiriinta ee gaaraya Talyaaniga.

Labada dal ayaa isku heysta arrinka ah in Faransiiska uu dib ugu celiyay muhaajiriin badan xadka waqooyi ee Talyaaniga.

Markii Faransiiska uu ku dhaliiceeyay Talyaaniga in uusan ogoleyn in doomaha sida muhaajiriinta laga soo samatabixiyo badda Mediterranean-ka, ayaa Talyaaniga ku jawabay inuu Faransiiska ku eedeeyo inuu diidan yahay inuu qaabilo muhaajiriinta.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini, ayaa ku eedeeyay Faransiiska toddobaadkii lasoo inuu gabaad siiyay 14 “argagixiso ah” oo Talyaanigu doonayay.

Waxa uu sheegay inay tahay in dib loogu soo celiyo eedeysanayaashaasi Talyaaniga si loo dhigo xabsi.

Muxuu sheegay Di Maio Talyaaniga?

Waxuu ku eedeeyay hadaladiisii ugu dambeeyay Faransiiska xili uu booqasho ku marayay gudahaTalyaaniga dabayaaqadii toddobaadkan.

Haddaladiisa ayaana kusoo beegmaya xilli Qaramadda Midoobay ay sheegtay in ku dhawaad 170 muhaajiriin ah laga baqdin qabo inay ku qaraqmeen labo doon oo ku burburay badda Mediterranean.

“Midowga Yurub waa inuu kusoo roggaa cunaqabateyno Faransiiska iyo dhamaaan dalalka la midka ah ee burburinaya Afrika kuna qasabaya dadka Afrikanka ah inay isaga soo cararaan dalalkooda, dadka Afrikanka ah waa inay joogaan dalalkooda, ma ahan inay isku soo haligaan badda Mediterranean-ka,” ayuu yiri ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga.

“Dadku waxay maanta uga soo cararayaan dalalkooda waa sababo la xiriira in dalalka Yurub gaar ahaan Faransiiska uusan abid joojin inuu gumeysto tobanaan dal oo Afrkan.”

Waxa uu sidoo kale sheegay Di Maio haddii Afrik aysan ahaan lahayn, in Faransiisku uu tirada15-aad ka gali lahaa dhaqaalaha caalamka, balse uusan ka mid noqon lahayn lixda dala ee ugu sareyso dunida.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Faransiiska, Teresa Castaldo, ayaa waxaa u yeeray wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska maalintii Isniinta.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga Mr Di Maio, oo sidoo kalen ah wasiirka shaqada iyo dhaqaalaha ayaanan hadalada uu jeediyay dhib u arkin.

Waxa uu ku eedeeyay in Faransiiska uu ku takrifalayo dhaqaalaha dalal Afrikan ah kuwaasi oo isticmaala lacagaha loo yaqaano CFA franc, oo hoostaga wasaaradda Maaliyada Faransiiska.

“Faransiiska waa mid ka mid ah dalalka u daabaca lacagaha 14 dal oo Afrikan ah, taasi oo caqabad ku ah koboca dhaqaalaha wadamadaas, sidoo kalena sababeysa in qaxooti badan ay kasoo cararaan dalalkooda ayna ku dhintaan baddaha ama ay nolol kusoo gaaraan xeebaheena,” ayuu yiri Mr Di Maio.

“Haddii dalalka Yurub ay yihiin geesiyaal, waa inay ku dhiiradaan inay ka hortagaan arrinta ah gumeysiga lagu hayo Afrika.”

Mr Salvini oo ah ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha ayaa la qabo arrintaan Mr Di Maio, iyaga oo u arka Faransiiska “mid ka mid ah dalalka” boobaya hantida Afrika.