Wasiir Hore oo Somaliland ah oo cafis dalbaday sheegayna in uu xoolihii umada ka qaaday sadex xanuun

0

Wasiirkii hore ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland ee xukuumadii madaxwayne siilaanyo Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay intii uu xilka hayay inuu ka dhaxlay xanuuno badan oo ay ku shegeen dhakhtaradda somaliland markii baadhis caafimaad ugu tagay.

Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa tilmaamay inaanu xil dambe oo wasiirnimo qaban doonin madaama oo uu xanuun ka dhaxlay lacago uu ku sheegay in ay ku soo galeen sifo xaraan ah.

“Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yidhi kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu

yidhi dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn, macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa kusoo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”.Sidaas ayaa u yidhi isaga oo la hadlay eryal tv