Suxifyiin u shaqeeya warbaahinta dawlada oo loo haysto common ama share aay ku sameeyeen wararka internetka lagu baahiyo

0

Weriyayaal ka hawl gala warbaahinta dawlada somaliland ayaa loo haystaa inay ka qayb galeen faalooyin lagu dhaliilay xukuumada oo lagu baahiyey baraha bulshada ay ku kulanto ee Internet-ka.

Mid ka mid ah hawl wadeenada ka shaqeeya warbaahinta dawlada ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in weriyaasha la haystaa ay magacyadoodu yihiin Siciid Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Mubaarig Cabdi Yuusuf, Muna Ibraahin Dhakhtar, Nasiim  Maxamed Muuse Iyo Cabdicasiis Maxamed Maydhax, kuwaas oo dhamaantood ka hawl gala warbaahinta ay dawladu maamusho ee wargeyska Dawan, Telefishanka Qaranka Iyo Idaacada Radio Hargeysa.Weriyayaashan oo tiradoodu gaadhayso lix wariye ayaa hortagay guddida anshaxa ee wasaarada warfaafinta,

dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland, kuwaas oo lagu wargeliyey in loo haysto Like, Comment iyo Share ay ka bixiyeen faalooyin lagu dhaliilay xukuumada oo baraha bulshada laga baahiyey.

Wariyeyaashan ayaa la sheegay in markii ay hortageen guddida anshaxa ee wasaarada warfaafinta somaliland la waydiiyey su,aalo, kuwaas oo haatan sugaya go’aanka ay guddidaasi ka gaadhi doonto waxyaabaha loo haysto.