SNM dembiilayaal Qaran bay ahaayeen baa lagu socdaa haddii intii Siyaad Barre samayn jirayba ay xalaal tahay Maanta oo lagu faanayo.

0

Cali Guray oo sheegay in SNM laga istaaqfurulaysto haddii sidan wax u sii socdaan. Hoos ka akhriso qoraalka uu ku baahiyay Bartiisa Facebook.

SNM dembiilayaal Qaran bay ahaayeen baa lagu socdaa haddii intii Siyaad Barre samayn jirayba ay xalaal tahay Maanta oo lagu faanayo.
Hee, daacad shalay markii la i xidhayayna cadaalad bay ahayd ayaa ka dhiman xuuto warkiisa. Muxuu ka hadlayaa dalku sharci buu leeyahay cidda sharciga ku xadgudubtay ma bilayskaa mise waa Cali Seenyo?. Dawladnimadu waa in sharcigu shaqeeyo oo xukunku uu noqdo qaynuunka ee aanu noqonin qofka. Yaa yidhi Ina Fadal adiga ayaa qaynuunka ka sareeya. Ina Fadal waa u caado ee ceeb kuma aha inu sharciga ka hiilayo sharci darradana u hiilyo.

Waryaada dhegaysta Siyaad Barre sax buu ahaa ee SNM baa gardarnayd oo dawlad dhan iyo dal dhan burburisay anigu qaadan kari maayo marka wixii Siyaad Barre aan ku diiday oo dhan maanta la igu yidhaa sax bay ahaayeen ee la xalaashado. Hadii wixii Siyaad Barre lagu diiday ee dalka dhan loo burburiyay sax ahaayeen aynu qirano in SNM dembiilayaal qaran ahayd waa taa ta lagu socdaaye ee la isu qurxinayo sacabkana la isugu tumayaaye.