Dawlada Itoobiya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Isku Dhacyo Dhex Maray Qoomiyadaha Soomaalida Iyo Camfarta

0

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Itoobiya ee Fana, dawlada ayaa sheegtay in lagu hawlan yahay sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa bulshooyinka soomaalida iyo canfarta  oo dagaalo ku dhex mareen murano la xidhiidha dhinaca xuduuda kuwaas oo saamayn weyn ku yeeshay xaalada Itoobiyada.

Isku dhacyadan ayaa sababtay inuu xidhmo jidka isku xidha wadamada Itoobiya iyo Jabuuti taas oo sababtay in shiidaal la,aani soo foodsaarto wadanka Itoobiya.

Masuuliyiin ka kala socda dawladda Federaalka iyo labada ismaamul ayaa ku hawlan sidii xasilloonida loo soo celin lahaa loona hirgelin lahaa nabad waarta.

 

Madaxweyne xigeenka gobolka Soomaalida Itoobiya Md Aadan Faarax ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen madax dhaqameedka bulshada Ciise, dhallinyarada, haweenka iyo waxgaradka ay iskula qaateen in nabadda la ilaaliyo lagana shaqeeyo wixii khilaafaad ah.

Waxa uu sheegay in jidka isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya oo qalalaasaha u xidhmay dib loo furay Khamiistii ilaa haddana uu si caadi ah u furan yahay lana isticmaalayo.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wada jir looga shaqeeyo wixii khilaafaad jira si loo soo celiyo isku xidhnaanta labada bulsho iyo nabad ku wada noolaanshaha.