Raysal Wasaarihii Hore Ee Itoobiya Hailemariam Dessalegn Oo Xil Cusub Looga Magacaabay Dalkiisa

0

Raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Dessalegn ayaa xil cusub looga magacaabay guddida sare ee dalxiiska dalkaasi.

Sida ay qortay warbaahinta Ethiopia News, raysal wasaaraha Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuu xilkan u magacaabay masuulkii uu xilka kala wareegay ee Hailemariam Dessalegn.

Dhawr bilood ka horna raysal wasaaraha Itoobiya ayaa agaasimaha fulinta ee ururka dalxiisayaasha u magacaabay Lensa Mekonnen kaas oo badalayYohannes Tilahun oo ka tagay xilka gudoomiyaha ururkaasi.

Tan iyo wakhtigii la aas aasay ururka dalsxiisayaasha Itoobiya oo ahayd sanadkii 2013-kii, dawlada Itoobiya ayaa dalxiiska ku dartay shanta tiir ee aas aaska u ah dhaqaalaha koraya ee dalkaasi.

Agaasimaha fulinta ee shirkada diyaaradaha Itoobiya Tewolde Gebremariam kana mid ahaa xubnaha sare ee ururkaas ayaa masuul ka ahaa maamulida iyo ilaalinta dhamaan hawlaha uu qabanayo ururkaasi.

Ururka dalxiisayaasha Itoobiya ee ay maamusho dawladu ayaa waxa xubno ka ah wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, wasiirka socdaalka, guddida maalgashiga Itoobiya, wasiirka arimaha dibada, hay’adda dakhliga iyo kastamada,hay’adda cilmibaadhista shaqanka, guddida sare ee booliska, xafiiska isgaadhsiinta Itoobiya iyo hay’addo kale oo dawladeed.