Ceeryaan hakisay isticmaalkii garoonka Diyaradha ee hargaysa

0

Hargaysa, Biyoguure news,

Hargaysa Biyo Guurenews   xiligan oo Cimilada Magaalada Hargeysa aad uqabawdahay ayaa qabawgaasi waxa uu sababay in saaka subaxnimadii ceeryaani qabsato hawada magaalada Hargeysa waxaana Hakad Galay diyaaradihii soo fadhiisan lahaa garoonbka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport, Diyaaradaha fadhiisan kari waayay saaka garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa waxa kamid ahaa Alcarbiya Iyo fly Dubai labadan diyaaradood oo siday rakaab badan oo Somaliland iyo ajinabi isugu jira ayaa dadkii sugaayay saaka dib uga soo laabteen garoonka kadib markii lagu wargaliyay in aanay diyaaruhu soo fadhiisan karin Ceeryaanta hawada haystay awgeed waxaana sidaas noo sheegay muwaadin kamida ahaa dadka sugaayay eheladiisa oo diyaarada Fly Dubai saarnaa oo Yurub ka yimi.

Arinkan ayaa fadeexad weyn ku ah Dalka Somaliland oo hada uu garoon diyaaradeed uyahay Ka Hargeysa oo kaliya garoonkii labaad ee soo raaci jiray oo ahaa ka Berberana waatii la burburiyay ee Saldhig ahaanta loo siiyay Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo iyagu sheegay inay garoon kale oo shacab Dawlada Somaliland uga samayn doonaan Berbera ilaa hadana lama hayo meel uu balan qaadkaasi ku danbeeyay wax dhaqdhaqaaqa oo la xidhiidha arinkaasina Ma Muuqdo xukumaduna way ka gaabisay inay balan qaadkaas daba gal ku samayso.

Waxa kaloo Fadeexad weyn ku ah qaranka Somaliland in dal dhan oo jira laga waayo garoon diyaaradeed oo labaad laga waayo dal kaloo aynu siyaasad ahaan isu haynana aynu marti uga noqon garoomadooda diyaaradaha.

xigasho berbera today