Baarlamaanka Ingiriiska ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Somaliland iyo somaliya

0

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba xidhiidhkooda oo aan wanaagsananayn.

Warbixintan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska iyo arrimo kale.

Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay.

Waxay warbixintu sheegtay in Maxamed Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed

“Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yidhaahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay “Roobow waxa la xidhay 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xadhiga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen.

Xadhigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin caydhitna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya, waxase ay warbixintu sheegtay in guul uu farmaajo gaadhaa ku xidhantahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya.

Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nayrobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaadhnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.”

Somaliland

Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka Ingiriisku waxay xoogay ka taabatay xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland

“Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaadhin wanaajinta xidhiidhka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tidhi.

Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tidhi warbixintu.

Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.”

Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Ingiriisku taageero kala duwan u fidiso Somaliland iyo Soomaaliya labadaba, waxaanay soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xogyahaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson, “Xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ayaa horaantii January ee sanandkan wuxuu socdaal ku tagay Somaliland. Waxa jiray warar ay saxaafadu baahisay oo aan la xaqiijin oo ah in mid ka mid ah qodobada laga wada hadlay ahaa sidii uu Ingiriiska saldhig milatari ugu samaysan lahaa dekedda Berbera. In sidan la sameeyaa waxay sii adkaynaysa xaqiiqda ah in dawladda Farmaajo ee Muqdisho ay si adag uga hor iman karto..” Ayay tidhi warbixintu.