Xaalada Lawyacado Oo Wali Cakiran & Ganacsato U Guurtay Bartamaha Xadka Labada Dal Ee Lama-degaanka

0

Waxa wali kala xidhan dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalo-xuduudeedka Lawyacado, wixii ka dambeeyay amarkii Badhasaabka Salal uu ku bixiyay in aanay haba yaraatee xadka ka soo gudbi Karin hawlwadeenada xadka iyo waaxda socdaalka ee Djibouti, waxana ay tani sababtay in suuq hor leh uu ka furmay inta u dhaxaysa xadka labada dal ee loo yaqaan Lama-dagaanka.

Quudaarta, Jaadka iyo ganacsiyada kale ee sharaabka iyo biyaha ayaa dadk reer Lawyacado waxa ay bilaabeen in ay ku iibiyaan degaanka lama degaanka ah ee u dhaxeeya labada dal halkaas oo ay ka soo doontaan dadka xadka dhiniciisa Djibouti ka imanaya ee muraadka u leh.Qaar ka mid ah ganacsatadan oo la hadlay Shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegay in suuqani cusub uu yahay mid dani-ku-baday ah oo ay noloshu ku kaliftay in ay kulaylka u ban baxaan oo ay alaabada ku iibiyaan degaankaas lama degaanka ah.

“Ma jirto wax kale oo noo furan oo aan ka hayn in aan qoraxda u soo baxno oo aan halkan lama dagaanka ah ku iibino maceeshadii awalba koobnayd ee ay noloshayadu ku xidhnayd” ayuu yidhi muwaadin ka gaabsaday in magaciisa la xuso oo dareenkiisa cabirayay

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu dhaliilay xukuumada gaar ahaan maamulka gobolka Salal waxana uu ku tilmamaay in xaalkiisu waa badhasaabka’e in uu yahay “ Nin Daar Ku Jiraa Daruur Ma Arko” waxana uu yidhi “Waxa muuqata in nolosha dadka aanay cidba dan ka lahayn, maamulkii gobolka Salalna uu noqday mid aan warba ka hayn nolosha dadka ay masuulka ka yihiin, gaar ahaan badhasaabkii gobolka oo markiisiihorba ahaa nin iska socod barad ah ayaa noloshayadu ganacsigii ay ku xidhnayd dhuunta u galay, waana nin daar ku jiraa daruur ma arko oo u malayn maayo in uu is leeyahay dadkan masuulka aad ka tahay waa lagaala xisaabtami”

Ugu dambayntii waxa uu  muwaadinkan uu ku baaqay in xukuumada dhexe ay soo faragaliso arintan isla-xafiiltanka ah ee u dhaxaysa labada maamul ee dhinacyada xadka waxna ka qabato nolosha hoos u sii dhacayda ee dadka reer Lawyacado.

xigasho Hadhwanaagnews