Xog:UK oo ergey cusub u soo magacowday Somaliland & Magaciisa+ Cidu bedeli doono & Fadhigiisa halkuu noqon doono

0

Xog:UK oo ergey cusub u soo magacowday Somaliland

Dawladda Uk ayaa jamhuuriyadda Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa.

Warar aanu helnay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ku leeyahay Hargeysa.

Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq.

Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa Somaliland iyo Ingiriiska.

Xidhiidhka Somaliland iyo UK ayaa sii xoogeysanaya. Toddobaadkii hore waxa magaalada Hargeysa yimi xoghayaha gaashaandhigga UK, Gavin Williamson oo la kulmay Muuse Biixi Cabdi.