Jibis ay ku dhegan yihiin in ka badan 500 oo shilin oo lagu badbaadiyay Australia

0

Koox masaska soo qabata oo ku sugan dalka Australia ayaa waxa ay soo badbaadiyeen jibis ay ku dhegannaayeen boqolaal shilinta xoolaha ah.

Maskan oo la rumaysan yahay inuu xanuunsan yahay ayaa waxaa dushiisa isku gadaamay cayaayankan shilinta ee badanaa xoolaha ku dhega, waxaana laga helay barkad lagu dabaasho oo ku taal xaafadda Gold Coast ee Queensland.

Xirfadyahan ku takhasusay howlaha masaska ayaa soo saaray maska waxa uuna geeyay xarun lagu dabiibo duurjoogta.

Howlwadeennada xanaanada xoolaha ayaa waxa ay maska ka qabqabteen in ka badan 500 oo shilin, waxaana la filayaa inuu maska soo kabsado, waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Tony Harrison oo ah xirfadle ku dheereeya qabashada masaska.

Mr Harrison oo ka tirsan howlwadeennada shirkadda Gold Coast and Brisbane Snake Catchers ee masaska soo qabata ayaa waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay in maska oo loogu magac daray Nike uu isku dayayay inuu barkadda lagu dabaasho isaga reebo shilinta ku dheganeyd.

“Dhab ahaantii, masku xaalad culus ayuu ku sugnaa,” ayuu yiri.

Sikastaba xaalku ha ahaadee shilintaas tirada badan ee maska ku dheganeyd ayaa waxa ay astaan u aheyd in masku uu xanuunsanayay, ayuu yiri, oo weliba ay dhibaato ka soo gaartay xaalado ka dhashay abaar iyo kuleyl hayay.

“Waa ay iska caddeyn in masku uu aad u xanuunsanayay oo laga soo tallaabay hab difaaceedkiisii,” ayuu yiri bare sare Fry.

“Waxaan ka shakisanahay in maskaasi uu badbaadi lahaa haddaanan halkaa laga soo bixin oo aanan la daweyn.”

Mr Harrison ayaa goor dambe waxa uu sheegay in maska Nike la yiraahdo uu caabuq qaaday, walow haatan ay xaaladdiisu wanaagsan tahay”.