UK Oo Ku Biirtay Dawlado Doonaya Inay Saldhig Millatari Ka Furtaan Somaliland

0

Wargeyska  Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa maanta qoray  in dawladda UK ay ku soo biirtay  dalalka Imaaraadka carabta oo saldhig millatari ka sameysanaya Berbera iyo Ruushka oo naawilaya inuu saldhig ka sameysto Saylac.

Warkaasi oo Wakaallada Wararka Somaliland ka soo xigatay Daily Nation, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson uu Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kula kulmay Hargeysa ay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Safaarrada Somaliland ku leedahay Nairobi may beenin, mana ay xaqiijin in UK doonayso inay saldhig millatari ka sameysato Somaliland.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya,

Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in dalkiisu uu  ku faraxsan yahay booqashadii Xoghayaha Gaashaan-dhiga Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi  sii xoojinayo  dedaalka ay Somaliland ku raadinayso Aqoonsi caalamiya.

Waxa kaloo uu danjire Baashe Cawil sheegay  in socdaalkii Xoghaye  Gavin Williamson uu tusmaynayo in bulshada caalamku ay garwaaqsatay muhiimada Somaliland.

Booqashada uu Xoghayaha  Gaashaan-dhiga UK ku yimid Somaliland waxay ku soo beegantay toddobaad ka dib, markii uu iclaamiyey in Ingiriisku  doonayo inay saldhigyo millatari ka sameystaan  adduunka, marka ay ka baxaan Midowga Yurub dib, waxaanu Wargeyska Daily Nation ku warramay  in socdaalkan  loo arkay inay suurtogal tahay in Xoghayuhu kala hadlay Somaliland sidii ay UK uga sameysan lahayd  saldhig millatari.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Gavin Williamson, oo toddobaadkii hore booqday ciidammada UK ee ku sugan Kenya, uu  xaqiijiyey   in ka bixitaanka Midowga Yurub uu  UK  u ogolaanayo inay  beddelaan siyaasaddii Lixdamaadkii ee ay kaga baxeen dalalka.

Warka Daily Nation daabacday waxa lagu sheegay in saldhigii Millatari ee Imaaraadku ka hirgelinayey Magaalada Berbera ee Somaliland uu dhammaan doono bisha June ee sannadkan.

Cumar Maxamed Faarax

Hadhwanaagnews.com