MASHRUUCA GARGAARKA wax barashada ayey ka faa’idaysteen dugsiga DHAYNTA waxaan maalgalinaya hay’adda UNICEF oo kaashanaysa ururka YOVENCO

0

Roob yaraan ayaa ka muuqanaysaay gobolada qaar ee Somaliland taas oo caruurta ay wajihayaan xaalad khadarodabadheeraday oo ay sababeen dagaalada abaaraha iyo dagaalada iyo barakacu taas oou bahan kaalmo biniaadantimo. Si gaara ah, 7,895 iyo 13, 875 arday oo ku jiray dugsiyada  marka la eego xogtii hore  unicef iyo mashruucdii  ilhama wax bar ( AEC)  2017 EIE ee isku xigay ayaa looga baahan yahay gargaar  si ay u sii wataan wax barashadooda waliba meesha u dhow ay ka heli karaan dugsi waxbarasho  ama in loo sameeyo meelo  ku meel gaadha ah, meel  ay saamayntu gaadhay  ee aanay jirin adeeg waxbarasho.

Waxa fulinaya mashruucan Hay’adda wadaniga ah ee YOVENCO  waxaana  maalgalinaya Hay’adda qaramada middobay ee caruurta UNICEF, waxaana laga fulinayaa Gobolladda Saaxil, Togdheer iyo waliba Maroodijeex  agar ahaan, 36 dugsi oo kal duwan ayuu si toos ah u caawinayaa in sha allah.

Guud ahaan, bulshada ay dhibaadatu soo gaadhay waxay ahaayeen xoolo dhaqatada iyo bulshada reer miiga ah iyadadoo  waxbarashada dawladda iyo ku gaarka loo leeyahayba  noqdeen qaar adeegoodu hooseeyo  marka laga eego dhinaca bixinta adeega waxbarasha.

Si loo xaliyo dhibkaas aan soo sheegnay, UNICEF waxay qorshaysay inay sii wado gargaarka waxbarashada ee sadex iyo sodan kun iyo shan boqol iyo sideetan iyo shan( 33,585) arday  kuwaas oo ahaa  qaar ay hore UNICEF u taageeray 2017 mashruucii  EIE (Education In Emergency ) wax barashada degdega  ah  isla markaana lagu soo kordhiyey lix kun afar boqol iyo sideetan arday oo dhigta 36 dugsi oo ay saamaysay xaalada degdega ah ee aynu soo sheegnnay kuwaas oo u baahan jawaab degdega ah oo baniadanimo.

Mashruucu wuxuu gaargaari doonaa 6,480 arday ee goobaha ay sameeyeen dhacdooyinkaasi aan soo sheegn, mashruuca waxa uu fursad siinayaa inay dugsugiga la qoro  laguna soo celiyo 6,482 (2,916 hablo ah) oo arday oo ay UNICEF gargaartay  intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2018 iyo mashruuca EIE gargaarka degdega ah 2017 ee 36 saamaayntu gaadhay  ee ka tirsan Gobolada  SAAXIL ,MARAOODI JEEX iyo TOGDHEER.

Mashruucani wuxuu  siin doonaa deeq  lacag ah oo loogu talo galay dugsiyadda si loogu daboolo baahiyaha dugsiyadda oo ku jiraan biyaha, naadafada iyo fayodhawr ee wiilasha iyo hablaha ee 6480 arday ee mashruucu caawinayo , tababaro lasiin doono  gudiyadda waxbarashada oo la xidhiidha  maaraynta dugsiyada, wacyi galinta  bulshada, dhaqaale ururinta bulshada ,ka qaybqaadashada iyo u doodida dahana dugsiga.

Hadaba dugsi DHEENTA oo ku yaalla tuulada DHAYNTA ee Gobolka MAROODI-JEEX  kana mid 36 dugsi ee mashruuca ka faaidayna waxa uu 40 km  dhanaca bari ka xiga caasimad hargaisa ayaa waxa Gudida waxbarashadu ee dugsigu iyagoo ka faaiidaysanaya deeqda lacageed ay sameeyeen  dayactir balaadhan oo kala ah hagaajinta fasalada,  nuuradayn iyo istambarida fasalada, hagaajinta sagxada iyo berendaha fasalada qaarkood. Sidoo kale waxa caruurta loo agaasimay goob cuntada loogu sameeyo oo ku meelgaadh ah, sidoo kale waxaa loo soo iibiyey maacuuntii ama weelka  cuntada  oo dhamaystiran waxaa loo sameeyaa  nususaacaha yar oo kooban iyo waliba hal wakhti oo qado ah,  taas oo ka saaciday inay si fiican oo bilaa werwera ah u dhigtaan dugsi  isla markaana ay ku noqdaan guryahoodii iyago faraxsan. Taasi waxay kordhisay tirada ardayda dugsiga waxaana mashruucu uu ka caawiyay Qaybta ugu   gunnada laba macalin oo u dhiagaya tirada ardayda soo korodhay ee dugsigga timi sanadkan iyo sidoo kle waxaa la tobabaray gudida waxbarashada isla markaa waxa la qabtay dhamaan wacyigalinta qaybaha bulshada  ee bulshada DHAYNTA  iyo agagaarkeeda.