Home Faallooyin Marti Qaad Kii Ugu Mudnaa oo Madaxwayne Muuse Biixi u sameeyay Madax...

Marti Qaad Kii Ugu Mudnaa oo Madaxwayne Muuse Biixi u sameeyay Madax dhaqmeedka, Siyaasyiinta iyo Inta Magaca leh ee Beel Waynta garxajis,

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiinta Iyo  Cuqaasha beelaha Garxaajis

Madasha hadhimada ah oo maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, isla markaana ay ujeeddadeedu daaranayd sidii madaxweynaha iyo qoorweynta beeshani isku xog-waraysanayeen ayaa waxa ka soo qaybgalay ku dhawaad 200 (Laba boqol) oo ergay oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka qaar ka mida oo isugu jira 40 (Afartan) Chief Caaqil, 23 (Saddex iyo labaatan) suldaan, qaar kamid ah badhasaabada iyo maayarrada gobollada qaar ka mida iyo degmooyinka dalka, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo miisaan leh, iyadoo ay madaxweynaha si habsami leh isugu xog-waraysteen kulankaasi hadhimo sharafeedka ah.

Image may contain: one or more people and crowd

Xubno isugu jira salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelahan oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay hadhimada uu ku maamuusay, waxana ay caddeeyeen inay si guud iyo si gaar ahba madaxweynaha ugu garab taagan yihiin tallaabooyinka horumarineed ee uu dalka ku hoggaaminayo.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and wedding

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Abees, guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Gudoomiyaha Saddexaad ee Xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) ayaa iyaguna dhinacooda kelmado soo dhawayn iyo mahadnaqa halkaasi ka jeediyey.

Xubno kamid ah salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beeshan kasoo jeeda ee miisaanka leh oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Baane, Suldaan Aadan Faarax, suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Ugaas Xuseen Geelle, guddoomiyaha guddida Talo iyo Tawfiiq, Mudane Xasan Xuseen, Chief Caaqil Xuseen Xasan Cali, Caaqil Cabdiweli Jaamac, Cawil Yuusuf Dhiif, maayarka degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo dhammaantood madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah madaxweynaha ugu bogaadiyey sida uu u maamuusay iyo kulanka ay la yeesheen madaxweyne, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay si hagar la’aan ah ula shaqaynayaan xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin sidii loo sixi lahaa wax kasta oo tabasho ka taagan tahay.

Image may contain: one or more people and indoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standing, shoes and suitImage may contain: 4 people, people standing, people sitting and suitImage may contain: one or more people, people sitting, wedding, table and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and tableImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 4 peopleImage may contain: 3 peopleImage may contain: 4 people, people standing, suit and weddingImage may contain: 4 people, wedding and crowdImage may contain: 3 people, people sitting, wedding, table and indoorImage may contain: 5 people, crowd, wedding and tableImage may contain: 9 people, people smiling, people sitting and weddingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 people, people sitting, table and crowdImage may contain: 5 people, people sitting, wedding and tableImage may contain: 7 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing, suit and weddingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 3 people, people smiling, suit and indoorImage may contain: 2 people, people smilingImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting, table and suitImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 3 people, people sitting and suitImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 1 person, beardImage may contain: one or more peopleImage may contain: 1 person, smilingImage may contain: 1 person, closeupImage may contain: 2 people, beard, hat and closeupImage may contain: 2 people, people smiling, people eatingImage may contain: one or more people