Farmaajo oo Xidhay Ciidamo Hubaysana ku dalbaday Huteelkii Shirku Uga Socday Xisbiga wadjir ee cabdiraxmaan cabdishakuur

0

Ciidamada amaanka ayaa la wareegay Hotel-ka uu siminaarku ka socday iyaga masuuliyiinta xisbiga Waddajirna dibada uga soo saaray.

Gudoomiyaha xisbiga Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay talaabada ay ciidamada amaanku ka qaadeen ayaa sheegay in amarka ciidamadan la soo siiyey laga soo faray  xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Xafiiska madaxweynaha waxa laga soo amray in la xidho Hotel-ka Maka Al Mukarama oo maalmihii ugu dambeeyey uu nooga socday kulan aqooneed kor loogu qaadayey

wacyiga siyaasadeed ee kaadiriinta xisbiga Waddajir”

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu cambaareeyey in ciidamadii booliska ee loogu tala galay ilaalinta amaanka in loo adeegsado falal uu ugu yeedhay cabudhin iyo cagajuglayn.

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaan dhinaceeda ka hadal talaabada laga qaaday xisbiga Waddajir, iyada oo laamaha amaanku aanay ilaa hada war rasmi ah ka soo saarin hawl galka ay fuliyeen ciidamada boolisku.