Xoghayaha Guud Wuxuu U Yeelay Dowladda Soomaaliya Sida Ay Dalbatay, Ma Ahan Inay Dowladdu Is Mahdiso” Yuusuf Garaad

0

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Somaliya Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay Wakiilkii Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom ee ahaa in aan laga rabin dalka, kana sii shaqeyn karin.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay  in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu  yeelay sida ay Soomaaliya dalbatay oo ahaa in laga beddelo Haysom.

Hase ahaatee Yuusuf Garaad ayaa sheegay in taas bedelkeed aan loo baahneyn in dowladda Soomaaliya ay is mahadiso, taasoo ugala jeeday go’aankeeda iyo sida ay rabtay inuu u meel maray.

“Xoghayaha Guud

ee Qarammada Midoobay, Antoonio Guterres, go’aanka uu ka qaatay dalabkii Soomaaliya waa mid la dhihi karo wuxuu Dowladda Soomaaliya u yeelay sida ay dalbatay oo ah in laga beddelo Ergeygiisa Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, inkasta oo aan la cayimin goorta. Ma ahan Dowladdu in ay is mahadiso,

Saameynta uu arrinkani yeelan karo ama aan is leeyahay wuu yeelan doonaa, aan filayana in aanay soo daahi doonin ayaa u baahan in loo diyaar garoobo lana maareeyo” ayuu   yidhi Yuusuf Garaad.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka dowladda Soomaaliya dalka uga eriday, una adeegsatay erayga (Persona Non Grata), taasoo aanay aheyn in loo adeegsado shaqaalaha Qaramada Midoobey, maadaama aanay Qaramada Midoobey aheyn dal, diblomaasiyiinteedana u baahneyn aqoonsi.