Dalka Thailand oo Hada uu Ku Dhuftay Duufaan Xoogan oo khasaare Kala Duwan gaystay,

0
Duufaanta Pabuk oo garaaceysa gobolka Nakhon Si Thammarat, Thailand, Jan. 4, 2019.

Duufaanta loogu magac daray Pabuk ayaa Jimcaha maanta ku dhufatay dalka Thailand, iyadoo la filayo in ay reebto saameyn xoogan.

Duufaanta oo roobab iyo dabeylo xoogan wadata, ayay khubarrada saadaasha hawada Thailand ku sheegeen in ay noqon doonto tii ugu xumeyd ee soo marta waddankan dhaca Koofurbari Asia muddo 30 sana ah.

Meelaha ay hadda garaaceyso ayaa waxaa ka mid ah gobolka koofureed ee Nakhon Si Thammarat. Waxaa laga cabsi qabaa in ay marto gobollada loo dalxiiska tago ee ku yaalla gacanta Thailand.

Duufaanti ugu khasaaraha badneyd ee dalkaasi ku dhufata ayaa waxay aheyd tii dalkaasi garaacday sannadki 1989, waxaa ku dhintay 400 oo ruux.