Xili Adag oo Mudaharaadyo Xoogani ka Socdaan dalka Suudaan iyo fariin Aan la fahmin oo uu raysal wasaare Apy u Diray Madaxwynaha Suudaan Al bashiir

0

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa fariin uu ka siday raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed gaadhsiiyey madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Wasiirka arimaha dibada ayaa wada hadal uu la yeeshay madaxweyne Al-bashiir iyo dhigiisa dalka Suudaan  waxay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sida loogu baahan yahay in horu mar la gaadhsiiyo.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Itoobiya Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arimo la xidhiidha gobolka iyo waxyaabaha ay wadaan Itoobiya iyo Suudaan ee faa,iidada u leh shacabka laba dal.

Masuuliyiintan oo labadooda dal ku tilmaamay wiilasha iyo

gabdhaha ku nool wabiga Nile inay ku nool yihiin marxalado barwaaqo iyo kala duwanaansha ah.

Madaxweynaha dalka Suudaan oo ka hadlaya kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya ayaa waxa u yidhi “Waxaynu u wadda shaqayn doonaa si aynu u hubino in Itoobiyaanka ku nool wadanka Suudaan ay dareemaan iay hoygoodii joogaan, nabada iyo deganaanshaha Itoobiya waa mid saamayn ku leh nabadgalyadana.”

Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya Dr. Workneh ayaa dhinaciisa ka hadlay kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya “ Waxaanu ognahay inuu muhiim noo yahay xidhiidhka aanu la leenahay jamhuuriyada Suudaan.”

Sidoo kale waxa uu ka waramay maxaabiis itoobiyaan ah oo laga sii daayey jeelasha dalka Suudaan “Maxaabiista gaadhaysa 1000-ka qof ee Itoobiyaanka ah ee laga sii daayey xabsiyada Suudan waxay inuu adag yahay xidhiidhka u dhaxeeya shacabka labada dal ee walaaltinimada ku dhisan.”

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla qaatay inay si wada jir ah uga shaqeeyaan isdhex galka dhaqaale ee geeska Afrika isla markaana waxay balan qaateen inay ka wada shaqeeyaan nabada iyo deganaanshaha.