Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Heshiiska Badaha Ee Ay Soomaaliya Gashay Iyo Ergay Turkigu U Soo Magacaabay Wadda Hadalka Hargeysa Iyo Muqdisho

0

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada, waxaanu xad gudub ku tilmaamay inay Dawladda Somaliya heshiis kula gasho Shirkadaha Shiinaha Baddo iyo Xeebo aanay maamulin, masuulna ka ahayn.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xeerka lagu soo doornayo Golaha Guurtida, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Dawladda Somaliya xad gudub bay wadaa, waxaana ayaan daro ah in Bad iyo Xeebo aanay maamulin, gacantana ku haynin inay heshiis kula gasho Shirkado, ama dayn ha lagu

lahaado ama lacagba ha ka qaadato, ee heshiiskaasi wax inaga inoo yaala maaha, Dawladduna waa tii ka hadashay ee taladdaydu waa aynu iska difaacno cid walba oo sifo sharci daro ah xadkeena ku soo gasha ama Bad ha ahaado ama Bari ha ahaate”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey aragtidiisa ku waajahan ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Turkigu marnaba daacad kama aha wada hadalada, maxaa yeelay isaguba in laga go’o ma ogola, oo waa kaas dagaalka kula jira Dawladdihii kala go’aayey, waxaana ka filaynaa waa in aanu marnaba dhex-dhexaad iyo daacad ka noqon karin wada hadalada, cidda uu doonaba Turkigu wada hadalada ha u magacaabo, oo waa wax isaga khuseeya, laakiin waxaa inaga inoo yaala maaha, waxaana leeyahay yaan mar dambe wada hadalada dib loogu celin Turkiga ee Dawladdo kale oo dhex ka ah wada hadalada gogosha ha dhigaan”.

Mar uu ka hadlaayey Xeerka lagu soo dooranayo Guurtida ayaa yidhi “Marka laga soo bilaabo 1984, ayey Guurtida Somaliland talinaysay, waana kuwii Ingiriiska Badda dhexdeena heshiiska kula qortay, ee yidhi Barriga waxba kuma wada qorayno, marka ay wax walba daciifaan Guurtida ayaa soo hadhaysa, Guurtida marnaba arinka laga fara maroojiyey, Guurtidu waa halbawlaha Somaliland, waana kuwa marka ay marxalada dalku adag tahay ka saara, wakhtigii aynu qaxnay ee dagalaadu socdeen, Cadaroosho iyo Madawayn markii dib loo istaadhay Guurtida ee dib loo abaabulay, waa kuwii Beelihii Somaliland ku dhiirigaliyey inay dagaalada galaan, haddii ay tahay ciidankii la ururinayeyba, Guurtidu inta ka dihamatay iyo umadda Islaamka ahba weynu u ducaynaynaa, ee mar haddii ay qabteen Shir laba cisho ah oo ay leeyihiin bal nala eega Xeerkii nagula soo dooran lahaa, ama aanu ku soo noqonaynay ama Golaha cusubi ku imanaayey ha la sameeyo, oo ha laga fadhisto waa arin aan aad iyo aad u soo dhaweeynayo,oo waa arin u baahan in lagala shaqeeyo, dabcan Golaha Guurtidu waa Gole muhiim ah, inkastoo aad mooda inuu bariyahan dambe xagal daac ku yimid, laakiin waajibaadka iyo xilka Guurtida ayaa ah in Xidlhibaanka Guurtida ee Xisbi garabka saara in Golahaba laga saaro, mustaqbalkana waa laga saari doona, maxaa yeelay Guurtidu waa Gole dhex-dhexaad ah, waa Gole aan Xisbiyo kala raacin, waxaana odhan lahaa Golaha dambe ee Guurtida, ee imanaya ha noqdaan kuwa ka madhan Xisbiyo, sababtoo ah marka la gole joojinayo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, Golaha Guurtidu Maxkamad buu noqdaa, Golaha Guurtiduna waa Golaha qudha ee xasaanad ka qaadi kara Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaan se anigu ku talin lahaa in Golaha Guurtida lagu soo doorto Doorasho dadban, oo walibana Madax-dhaqameedku ka cagaanadan inay soo galaan, Guurtida oo ay ku eekadaan shaqadii ay Beeluhu u igmadeen, aad iyo aadna waan u taageersan nahay in dib loo eego ama dib loo sameeyo Xeerka lagu soo dooranayo Guurtida”.