Dadka dalka labaad ee ugu wayn Afrika oo maanta doorasho u dareeray

0

Dadka dalka labaad ee ugu wayn Afrika oo maanta doorasho u dareeray

Goobaha codbixinta ayaa la furay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo ah dalka labaad ee ugu wayn qaaradda Afrika.

Ku dhawaad 40 milyan oo qof ayaa xaq u leh in doorashadan ay codkooda ka dhiibtaan.

Madaxwayne Joseph Kabila oo dalka Congo ka talinayay tan iyo 2001 ayaa imika xilka ka dagaya.

Balse doorashadan waxaa hareeyay rabshado ka dhashay ka dib markii ay guddiga doorashada sheegeen in dad gaaraya 1.3 milyan oo qof aysan doorashada maanta ka qayb qaadan doonin.

Sabtidii musharaxiin iska so horjeeda ayaa waxay ku heshiin waayeen bayaan wada jir ah oo looga gol lahaa in xiisadda lagu dajiyo ka hor doorashada.

Codbixinta oo saaka billaabatay ayaa waxaa lagu wadaa in galabta maqribadii la soo xiro.

Haddii doorashadan wax walba sidii loogu talagalay ay u dhacaan waxaa ay noqonaysaa doorashadii ugu horeysay oo si nabad ah xukunka la isugu wareejiyo dalka Congo tan intii uu dalkaasi xuriyadda ka qaatay Belgium 1960.

Madaxwaynaha imika xilka haya Joseph Kabila ayaa xilka kala waregay aabihii Laurent ka dib markii la dilay 2001.

Musharaxiinta ka qaybgalaysa doorashada waxaa ka mid ah Emmanuel Ramazani Shadary, oo horey u ahaan jiray wasiirka arrimaha gudaha islamarkana daacad u ah kabil.

Musharxiinta dhanka mucaaradka ka socda ayaa kala ah Martin Fayulu iyo Felix Tshisekedi Tshilombo.