Chief Engner Xuseen Axmed Khayre Oo Ah Khabiir Ku Takhasusay Cilmiga Bada Iyo Maraakiibta Oo Ku Baaqay In La Badbaadiyo Jaamacada Culuumta Bada Ee Berbera

0

Chief Engneer Xuseen Axmed Khayre oo kamida Macalimiinta Jaamacada Cilmiga Bada ee Berbera Islamarkaan ah khabiir aqoon buuxda oo mudo dheer ah uleh shaqada Cilmiga Bada iyo maraakiibta ayaa ka dayriyay xaalada ay ku sugantahay Jaamacada Cilmiga Bada Ee Berbera Martime Colege, Waxaanu sheegay Chief Engneer Xuseen Axmed Khayre in loo baahanyay in la badbaadiyo Jaamacada Cilmiga Bada ee Berbera isaga oo sheegay in maamulkii Jaamacadu gacanta ugalay dad uu ku tilmaamay inaanay waxba ka aqoonin Cilmiga Iyo Culuubta Bada sife khaldana loogu Magacaabay xili hore.

Chief Engneer Xuseen Axmed Khayre Waxa uu ku baaqay in gurmad degdeg ah Maamulka Gobolka Ka Degmada iyo Ka Heer qaranba usoo diraaan Jaamacada Cilmiga Bada Berbera oo la badbaadiyo Isaga oo sidaas ku sheegay qoraal uu warbaahinta soo gadhsiiyay qoraalkaas oo ciwaankiisu ahaa Dib Usoo Nooleynta Aqoonta Bada Waxaanu Udhignaa sidan hoos Ku qoran”

Dib u Soo Nooleynta Aqoonta Badda

  • Aqoontii badda ee Soomaliland way hagaastey. Wax soo saarkeegiina kiiyoo caydhiina ayuu suuqa daadsanyahay.
  • Horumarkii looga baahnaa iyo ujeedooyinkii laga lahaana ma gaadhi karo:
  • Qadar baa jirey.
  • Maantana qaddar baa jira.

Sababtuna waxay tahay:

  • Aqoondarro guddi u noqotey Kulliyadda Culuunta Badda iyo maamulka Kulliyadda Culuunta Baddda ( maamul iyo ku xigeen) oo aan aqoon badeed lahayn.
  • B Taasina waxay tirtirtey sharciga Kulliyada.
  • Waxay dafirtey istrakjarkii Kulliyadda.
  • Kadibna waxay awood khaasa siisey maamule iyo ku xigeenkiisa intii aqoonta badda lahayd na waxa la amrey in ay la shaqeeyaan ama iska tagaan.

 

N.B. Aqoontii baddu sidii ayay u socotaa duminna meyso Kulliyadu laakiin wax soo saarkeegu wuxuu la mid noqonayaa kuwii hore ee ay soo saareen waana khasaare aan macquul ahayn. Sidaa darteed, guddidii Kulliyadda iyo maamulkanba waxan leeyahay ducaqabayaal nabadeey.

Aqoonta badda iyo baahidii dalka ayaa is ku muuqday ee intii aan aqoon badeed lahayneey, Good bye.

 

 

 

Gabagabo

Sida ugu dhakhsiyaha badan ayaanu u dhisi guddi, u sameyn sharci, u dhisi istrakjar, waxana ka qayb noqon:

  • Wasaaradda Gaadiidka, waaxdeeda badda.
  • Wasaaradda Kalluumeysiga, waaxdeeda kalluumeysiga.
  • Wasaaradda Tacliinta, waaxdeeda Tacliiinta Sare.
  • Wasaaradda Ar.budha (ciidanka badda)

 

 

The Founder of the Berbera Maritime Academy

Ch.Eng. M. Col Hussien A Khaire