Xasuuqii Burco Ka Dhacay 20/12/084 oo lagu laayay alle ha u naxaristo e 43 oday oo ahaa indheer garadkii burco oo la ogaaday cidii qortay warqadii dilka loogu fuliyay,

0

Maanta oo kale. 20.12.1984.

Xasuuqii Burco iyo Warqaddii Dilka lagu amray!!

Maanta oo kale 31 sanno ka hor, waa maalintii uu dhacay Xasuuqii Magaalada Burco. Halkaas oo 43 qof oo ka mida Aqoonyahanadii iyo Ganacsatadii iyo Wax garadkii magaalada Burco, inta la soo uruuriyay , si badheedha loogu toogtay magaalada Burco.

Haddaba warqada halkan idiinka muuqataa waatii lagu go,aamiyay dilkaas bahalnimada ahaa, waxaana ku yaala amaradii dilka lagu fuliyay, iyo magacyadii 43 ka qof ee la dilay. Waxaana ku saxeexan oo amarka dilka bixiyay. Ku xigeenkii xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida. Gacan ku dhiigle. Gaashaanle Yuusuf Muuse Faarax

UJEEDDO:- FULIN XUKUN DIL AH

KU XIGEENKA XEER-ILAALIYAHA GUUD CQS

MARKUU ARKAY:- Go’aanka Maxkamada Dagaalka C.Q.S.

Lam 190/84 ee 20-12-84, kaas oo lagu cayimay

ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay eedaysanaasha

kala ah.

1- Dilsuge – Qaasin Qodax Jaamac

2- “ – Cabdiraxmaan X. Maxamed Siraad

3- “ – Ciise Ibraahin Ismaaciil

4- “ – Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe)

5- “ – Aadan Nuur Ismaaciil (Coraaq)

6- “ – Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani)

7- “ – Axmed Cabdi Xasan

8- “ – Cabdi Maxamed Cali (Dhagjar)

9- “ – Axmed Yuusuf Mire

10- “ – Cabdi Jaamac Xasan (Sanweyne)

11- “ – Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Comaas)

12- “ – Axmed Xasan Ismaaciil (Yunbur)

13- “ – Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba Lugood)

14- “ – G/le Maxamed Cali Qorane

15- “ – Ex.S/A.Shukri Maxamed Samatar – (Qurmiye)

16- “ – Ismaaciil Saalax Wiriye “

17- “ – Maxamed Samatar Axmed “

18- “ – Saleebaan Hirad Aadan “

19- “ – Cali Cabdi Xasan “

20- “ – Aadan Jaamac Warsame “

21- “ – Maxamed Maxamuud Cabdi “

22- “ – Axmed Ismaaciil Maxamed “

23- “ – Cali Cumar Diiriye “

24- “ – Muuse Xasan Ibraahin “

25- “ – Cali Giire Cabdi “

26- “ – C/laahi Maxamed Faarax Taakuliye

27- “ – Aadan Cali Ibraahin Qurmiye

28- “ – Cabdi Maxamed Yuusuf Taakuliye

29- “ – Cabdi Xasan Jaamac “

30- “ – Cabdilaahi Xuseen Nuur Korto

31- “ – Cali Xuseen (Inta dambe way masaxantay)

32- “ – S/Alifle Axmed (Inta dambe way masaxantay)

33- “ – Magacu wuu masaxmay

34-Dilsuge – S/Alifle Faarax (Inta dambe way masaxantay)

35- Edsane- Jaamac Cabdilaahi Saciid

36- “ – Dable Maxamed Cige Xabad

37-Edsane – Cabdi Cali Axmed

38- “ – Saciid Cismaan Geelle

39- “ – Abuukar Cabdilaahi Rooble

40- “ – Cabdilaahi Saalax Giir

41- “ – Cawil Saalax Giire

42- “ – Ibraahin Maxamed Xandulle (Ina Aar) – Maqane

43- “ – Cabdi Xuseen Dheere – Maqane

In la fuliyo maanta 20/12/84 Saacadda 0700 subaxnimo laguna fuliyo goobta toogashada Burco.

MARKUU ARKAY:- QOD.227 XEER

MARKUU ARKAY:- QOD. 69 XEER

MARKUU ARKAY:- Xeer lam 54 ee 14.8.82

WUXUU GO’AAMIYEY

In go’aanka maxkamadda la fuliyo laguna fuliyo meesha iyo waqtiga ay cayintay, ayna fuliyaan koox ciidan ah oo hogaaminaayo Sarkaal ku haboon isaguna C.Q.Sida kuwaas ahaan K.D.S.iyo daraawiishta Booliiska.

WUXUU KALOO GO’AAMIYEY

In aasidda dadka iyo wixii kharaj ah loo xilsaaray D/Hoose ee Burco si toos ahna uu u maamulaya Guddoomiyaha Maamulka Degmada Burco.

KU XIGEENKA XEER ILAALIYAHA GUUD CQS

G/LE YUUSUF MUUSE FAARAX