Muxuu iisu casilay ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Trump u joogay Suuriya ?

0

Sarkaal sare oo ka tirsan Mareykanka una qaabilsan dagaalka lagula jiro ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS ayaa ka gaabsaday go’aanka madaxweyne Trump uu ka qaatay inuu ciidamadiisa uu kala baxo dalka Suuriuya.

Brett McGurk, oo ah Ergeyga gaarka ah ee mdaxweynaha dalka Mareykanka u qaabilsan isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallanka IS, ayaa wuxuu ka biya diiday go’aanka Madaxweyne Trump uu ku sheegay iney cidamadiisu ka soo baxayaan Suuriya, McGurk oo ku baaqay inuu Mareykanka uu sii wado dagaalka uu kula jiro IS.

Go’aanka Trump uu ka dhawaajiyeyna waxaa daba socotay iscasilaaddi xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka General Mattis.

General Mattis ayaa wuxuu sida oo kale uu ka soo horjeestay in ciidamada Mareykanka ay ka soo wada baxaan dalka Suuriya iyo in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ee joogtay Afqaanistaan.

Mr McGurk oo ah diblomaasi waaya arag ah waxaa xilka hadda uu ka hayey Suuriya loo magacaabay 2015-kii xilligii Maamulka Obama.

Horraanti bishan December oo uu warbaahinta u warramay ayaa wuxuu sheegay “iney doonayaan iney howlgalkooda sii wadaan ilaa ay xaqiijiyaan xasilooni buuxda iney ka abuurantay Suuriya”.

Warqaddiisa iscasilaadda oo ay shaaca ka qaadday wakaaladda wararka ee AP, ayuu ku sheegay ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS inuu carar uu ku jiro balse aan si buuxda looga guuleysan.

Wuxuuna intaa ku daray ciidamada Mareykanka oo dhan iney Suuriya ka baxaan ay ka dhalan karto halis ah iney IS ay u hesho fiursad ay dib isugu soo abaabusho.

Wargeyska New York Time oo soo xigtay farriin E-mail uu McGurk soo diray ayaa sheegtay inuu farriintiisa uu ku sheegay go’aanka la bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriya “ay argagax ku abuurtay gabi ahaanna ay ka soo horjeedda siyaasadda dalka u yaallo”.

Wuxuuna ugu dambeynti McGurk uu sheegay “inuu amarka cusub ee uu bixiyey madaxweyne Trump uu qaadan karin oo uu ka doorbiday inuu sharaftiisa ilaashado sidaana isku casilay.”

Madaxweyne Trump wuxuu maalinti Arbacada uu ku dhawaaqay inuu 2,000 oo askari oo Ameerikaan ah oo ku sugan Suuriya uu gabi ahaan la soo baxaya isaga oo go’aankiisaasi sabab uga dhigay in IS laga guuleystay.

Ilaa iyo hadda madaxweyne Trump kama hadlin iscasilaadda Mr McGurk uu xilka uu isaga casilay.

Wuxuuna maalinta Sabtida uu madaxweyne Trump markale uu ku adkeystay go’aankiisa ah iney ciidamadiisa ka soo baxaan Suuriya, isaga oo weliba carrabka ku dhuftay in IS laga guuleystay.