Xaalada Caafimaad Ee Abwaan Hadraawi Oo Laga Dayrinayo Iyo Walaalkii Hurre Oo Fariin Baaq Ah Soo Diray

0

Abwaan Hurre Ibraahin Walanwal ayaa ka si weyn uga dayriyey xaalad caafimaad oo la soo daristay walaalkii Maxamed Ibraahin Walanwal(Hadraawi).

 

Abwaan Hurre Walanwal ayaa sheegay in xaalada uu haatan ku jiro abwaanka caanka ah ee Hadraawi ay tahay mid iyaga ka balaadhan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Hadraawi ilawshiyo ayaa ku dhacay oo tacab badan lama galin, dhakhsana waan uga hadlayaa xaaladiisa balse Hadraawi maskaxdiisu caadi maaha oo ilawshiyo ayaa ku dhacay, sakaarad badan oo darbad ahi ma hayo waxaase uu qabaa xanuuno suuxinaya oo kolba dhinac u ridaya, awoodayadiina wuu dhaafay waxaanu u baahan yahay tacab badan oo la galiyo, talana waa laga yeelanayaa

sida laga yeelayo.”ayuu yidhi Abwaan Hurre oo la hadlay Somnews.

Abwaan Hurre Walanwal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Hadraawi muu ahayn ina Walanwal oo kaliya balse Ina Soomaaliyeed oo dhan ayuu ahaa,qofkuna marka uu xanuusado in la yidhaa inta uu ladan yahay ayaa la eeganayaa oo Geella marka la liso in badan haddii marka uu gudho la gawraco ka waran, caano dambe xagee laga helayaa, waxaanay ku dhan tahay in xaalada Hadraawi aanu  umada u sheegayno.”

Sidoo kale Abwaan Hurre Walanwal ayaa ka hadlay xaalado khatar ah oo uu sheegay in afsoomaaligii wajahayo isaga oo ku baaqay in laga hawl galo sidii loo horu marin lahaa waxaanu yidhi “In dhawaydba Suldaan maah maahaya miyaad aragteen way adag tahay waanay yar tahay in nin masuul ah oo geed ka hadlayaa uu maah maaho ama wasiir maah maahaya in la arko ileen wasiirka ayaa hada umada xambaarsan oo dusha ku sitee, wasiir maah maahaya way yar tahay, macnuhuna waxa weeyaan in afsoomaaliga isticmaalkii iyo iswaydiintiiba laga daayey, waxaanu u baahan yahay awood la saaro, guddi loo saaro oo buugaag iyo duubniin loo qaato oo kharash iyo hawl la galiyo.”

 

xigasho HWN