Eng Maxamed Xaashi Oo Ka Hadlay Mudo Kordhinta Guurtidu Samaynayso, Eedayna U Jeediyey Dalalka Xiisaynaya Wadda Hadalka Hargeysa Iyo Muqdisho

0

Wasiirkii hore ee maaliyada somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ganafka ku dhuftay hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha guurtida oo ku saabsan mudo kordhin mar kale loo samayn doono qaar ka mid ah goleyaasha qaranka.Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa su,aal galiyey sharcinimada golaha guurtida isaga oo tilmaamay inaanu jirin golihii guurtida ee markii ugu horaysay la doortay waxaanu yidhi

“Baarlamaankani imisa ayuu fadhiyey, waxa loo kordhiyeyna dhawr jeer, marka uu gudoomiyaha guurtidu leeyahay dib haloo dhigo bal guurtida waxa la doortay 82 nin hada waxa ka nool 7, inta kale waa dhaxaltooyo oo sharciba maaha, sharcina maaha nin dhaxaltooyo ah oo aanu baarlamaanku

 

ansixin markaa Saleebaan wax uu madax u yahay ma taalo meeshee imika dib haloo dhiso oo doorasho guurtida iyo goleyaasha kale ahba hala sameeyo.”ayuu Eng Maxamed Xaashi oo u waramay Universaltv.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay isbadalada dhinaca siyaasada ee ka socda dalka Itoobiya, isaga oo soo jeediyey in somaliland qorshe ka yeelato lacagta buuran ee ay Itoobiya ka siisato qaadka, waxaanu yidhi “Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wuu yar yar degdegayaa meeshana wuu ku cusub yahay  itoobiyana sida wax uga dhashaan mudo dheer ayey qaadanaysaa, ta kale somaliland milyan iyo dhawr boqol oo kun oo doolar ayaa maalin kasta inaga taga waana dakhliga ugu weyn ee ay Itoobiya qaadato, markaa inagu aynu kala xaajoono wixii ay lacagtaasi inoo goyn lahayd iyaga oo waliba lacagtoodii diiday oo Doolar ku doonaya, waana inaynu ka wada hadalnayaa ganacsigaas inaga dhaxeeye ee waliba kooda ugu culus xagooda yahay wixii aynu ka yeelayno.”

Eng Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale soo jeediyey inaan wax wada hadal ah lala yeelan dawlada soomaaliya oo uu ku sheegay mid aan jirin oo masuuliyiinteeda aanay waxba ka go’ayn waxaanu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu hagaagsanaa markii uu yidhi la fadhiisan mayno waxna ku darsan mayno ilaa aanu isku heer noqono, ka noqoshadani mid wax ka soo baxayaan maaha, wax lala hadlo oo dawlad ah oo xamar ka dhisani ma jirto, lixdii gobol-na way is haystaan, marka madaxweynaha ama madaxdu meel tagayso ama ka timaado waxa lagu geeyaa guryahooda Tikniko, ciidamo ajanabi ah ayaa ilaaliya oo haya mana laha ciidan qaran oo leeyihiin markaa wax dawlad lagu sheego oo meeshaas jiraa ma jirto.”

Eng Maxamed Xaashi ayaa intaas raaciyey “Wadda hadaladani way ina soo mareen oo waynu wada hadalnay waxna waynu ku heshiinay sida hawada waanay ka noqdeen intiiba oo dad wax ka go’ayaan maaha, imikana iyagii ayaa is haysta, afar kiilomitir oo dawladu xukuntaa ma jiro, markaa wax wakhti layskaga lumiyo maaha.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay dhibaatadii ay shacabka somaliland u gaysatay dawladii hore ee soomaaliya waxaanu yidhi “Haddii ay dawlad yihiin wixii dalka ka dhacay way ogaayeen, wixii anaga na gaadhayna waa la ogyahay iyo khasaaraha nagu dhacay iyo diyaaradihii, dalkii la dumiyey iyo hantidii dhawrka boqol ee sano la soo shaqaynayey ee la lunsaday qof habeen looma xidhin, markaa dadka halkaas taagan ee imikana Moorgan iyo dadkii waxan gaystay ay suuqa iska marayaan wax lagala xidhiidho iyo wax lagu yidhaahdaa midna inooma banaana sida runtii ah.”

Eng Maxamed Xaashi waxa kale oo uu dhaleecayn culus u jeediyey wadamada caalamka ee doonaya inay wada hadlaan somaliland iyo soomaaliya waxaanu yidhi “Beeshan caalamka ee hadyo jeer leh wada shira  waxan u malaynayaa waa dagaal oogayaal, waxay doonayaan in dagaal kale hadana dhaco oo aynu aarsano oo marka aynu aragno wixii ina laayey aynu ku boodno, kolkaas wax hagaagsan maaha balse waxay caalamku eexaysanayaan dadkoodan mushaharka culus qaadanaya ee Nairobi degan oo danahooda la ilaalinayo, kuwaas ayaana lagu naas nuujinayaa balse wax dawlad ah oo lala shiraa ma jirto soomaaliya mana aha inaynu isku daalino.”

 

xigasho HWN